SHACABKA IYO SHARCIGA KEE BAA HIIL LEH? W/Q. Mustafe Barkhad Dhimbiil

0
Sunday January 30, 2022 - 16:01:31 in by salman abdi
  • Visits: 356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHACABKA IYO SHARCIGA KEE BAA HIIL LEH? W/Q. Mustafe Barkhad Dhimbiil

    SHACABKA IYO SHARCIGA KEE BAA HIIL LEH? W/Q. Mustafe Barkhad Dhimbiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHACABKA IYO SHARCIGA KEE BAA HIIL LEH? W/Q. Mustafe Barkhad Dhimbiil
Baryahan dambe waxa Somaliland kusoo badanaya marka qofku caddaalad darro ka tirsado goob shaqo ama arrin kale oo tacaddi la xidhiidha in uu qofkaasi arrintiisa bulshada la wadaago dabeedna shacabku ka gar naqaan oo waxay ku xukumaanna lagu go'aan qaato. Haddaba waxa is waydiin mudan aaway hay'addihii caddaalada ee qofku ku caban lahaa?.

Imika Wiilkii Muuqaal tebiyaha ahaa ee Telefishanka Qaranka caddaalad darrada ka tirsaday waxaa u jawaabay maamulka Telefishanka oo sheegay in aanu xaq ku lahayn una shaqaynaynin, bulshadu waxay is barbar dhigeen doodii war wartebiyaha( Suxufiga) iyo facelintii Telefishanka Qaranka Somaliland.

Dadkii waxay u gadoodeen si ilbaxnimo iyo anshax wanaagsani ka muuqdo. Qaylada ayaa tuulo walba oo Somaliland ah kasoo yeedhay, heer waxa la gaadhsiiyey wasiirkii fariimo loo diro ama toos loola hadlo. Inta hawlahaasi socdaan hay'addaha caddaaladu sidaan qiyaasayo daah kama saarnayn, madaxda ugu saraysa ee dalku way arkayeen waxa dhacaya. Wiilkii Khuum Khaam dacwadiisa shacabka ayuu u dhiibtay meelo kalana kama hadal!.
Ugu dambayn sidaan warka ku hayo saacaddo ka hor ayaa loo yeedhay xaqii uu ku doodayeyna waa la siiyey. Taasi waxay caddaynaysaa in uu xaq helay shacabkuna garta sooreen. Haddaba ilaa goorma ayaa maalinba qof la dulmay xaqiisa lagu orinayaa kadibna inta aayar qofka xaqiisa la siiyo sheekadu halkaa ku dhammaanaysaa?. Imisa qof oo an hadli jirin baa maalinkasta la dulmaa? Haddii Sawir qaadi Khuum Khaam la duudsiyayey, masuulkii lahaa waxba naguma laha saw maaha in madaxweynuhu xilka ka qaado.

Haddii Dastuurkii, xeerarkii iyo Shuruucdii aynu dhiganahay dulmanaha u adeegayn yey u adeegayaan? Arrintani waxay keeni kartaa in shacabku sharciga ku kalsoonaan waayaan, waana arrin halisteeda leh haddii ay sidaas sii ahaato. Masuulkii diidanaa xaqii sawir qaadaha iyo bulshadu u doodayeen n waa in raalin bixiyo.

Waan ku faraxsanahay inay muuqato shacab an qabiil isku baahaysanayn oo damiirku abaabulay. Ugu dambayn waan hambalyeynayaa awoodda shacabka ee marwalba hiilkoodu meermarka yahay.


ALLAA MAHAD LEH


W/Q: Mustafe Barkhad Dhimbiil