Golaha Degaanka Caasimadda oo ganafka ku dhuftay amar uu wasiirka hawlaha guud ku amray inay joojiyaan dawladaha hoose bixinta iyo sharciyeynta dhulka danta guud

0
Tuesday March 11, 2014 - 19:01:05 in by Super Admin
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Degaanka Caasimadda oo ganafka ku dhuftay amar uu wasiirka hawlaha guud ku amray inay joojiyaan dawladaha hoose bixinta iyo sharciyeynta dhulka danta guud

    Golaha deegaanka caasimada Hargeysa ayaa maanta gaashaanka ku dhuftay wareegto uu soo saaray wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha deegaanka caasimada Hargeysa ayaa maanta gaashaanka ku dhuftay wareegto uu soo saaray wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland

Golaha Degaanka Caasimadda oo ganafka ku dhuftay amar uu wasiirka hawlaha guud ku amray inay joojiyaan dawladaha hoose bixinta iyo sharciyeynta dhulka danta guud


Golaha deegaanka caasimada Hargeysa ayaa maanta gaashaanka ku dhuftay wareegto uu soo saaray wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed kaas oo golayaasha deegaanka ee wadanka kaga mamnuucay bixinta dhulka danta guud ah.

Golaha deegaanka caasimada Hargeysa oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xarunta dawlada Hoose ayaa waxay sheegeen inaanay in wareegtada uu soo saaray wasiirka hawlaha guud ay gabi ahaanba ka hor imanayso distoorka qaranka.


Ku simaha maayarka ahna maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa Cabdicasiis Caga Wayne ayaa soo bandhigay qodobada ay dhulka danta guud ah u cuskanayaan golaha deegaanka caasimada Hargeysa waxaanu yidhi "Dastuurka somaliland waxa uu dhigayaa inaanu leenahay awoodaha dhulka, xeer lanbar 17 waxa uu sheegayaa inaanu leenahay awoodaha dhulka ee aad nagu haysato wasiir, waxaanu nahay gole ay doorteen shacabka caasimada waxaanu nahay gole ku shaqaynaya shuruucda wadanka u taala.” Ayuu yidhi maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa.

Maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "waxaynu wasiir ka wada hadlaynaa waa wixii dadka inaga sharfay ee adigana wasiir kaa dhigay anagana xildhibaano naga dhigay waana sharciga dalka ku yaala, sharciguna waxa uu dhigayaa in wasaarada hawlaha guud masuul uga tahay xukuumada dhulka shacabka wixii ka reebana aanu anagu masuul ka nahay.” ayuu yidhi maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa cagaweyne.




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com