
Warbixin: 9-Halyeey Oo Wiilashooda Mustaqbalka Dhow Garoomada Kasoo Muuqan Doonaan
Edwin van der Sar & Joe van der Sar: halyeegan goolhayaha ah waxaa u joogo wii 16-jir ah oo haatan ka tirsan naadiga Ajax heerkeeda hoose.
Martin Keown & Niall Keown:Daafacii hore ee Arsenal haatan wiilkiisa waa 19-jir wuxuuna ka tirsan kooxda Reading xidigaheeda 21-jirada ka hooseeyo da’dooda.
Paulo Maldini & Christian Maldini:halyeegan wiilkiisa waa 18-jir wuxuuna ka cayaaraa daafaca sidoo kalena kooxda heerka hoose ee Milan ayuu ka tirsan yahay.
Gus Poyet & Diego Poyet:Macalinkan wiilkiisa wuxuu haatan ka tirsan yahay naadiga Huddersfield oo uu amaah kula joogo balse milkiyadiisa kooxda West Ham ayaa leh.
Zinedine Zidane & Enzo Zidane:Zizu wiilkiisa dhawaan ayuu fursad u siiyay inuu u safto kooxda heerka labaad ee Madrid ee uu isaga macalinka u yahay.
David Beckham & Brooklyn Beckham:Halyeegan wiilkiisa asigoo 15-jir ah ayuu dhawaan heshiis la gaaray kooxda Arsenal.
Rivaldo & Rivaldinho:La yaab sanadkii hore ayayba kulan ka tirsan horyaalka Brazil Rivaldo iyo wiilkiisa isaga hor imaadeen!!
Andy Cole & Devante Cole:halyeegan wiilkiisa kooxda Man City ayuu ka tirsan balse haatan amaah ayuu kula joogaa naadiga Barnsley.
Contact@Afkashacabka.com
Warbixin: 9-Halyeey Oo Wiilashooda Mustaqbalka Dhow Garoomada Kasoo Muuqan Doonaan
Waxaan idiin heynaa xog xiiso badan oo ku saabsan 9-halyee oo kubada cagta heer sare ka gaareen haatana caruurtada ay mari rabaan wadadii ay mareen. Sidaa darteed rug cadaayaashaan wiilashooda ayaa mustaqbalka dhow saaxada kubada cagta kasoo muuqa