"Xallinta Khilaafka Madaxda Dowladda Somalia Waa in loo daayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya"... Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya
Jawaari ayaa hadalka ka sheegay kulan uu la qaatay ururrada bulshada rayidka ah iyo siyaasiyiin , isagoo tilmaamay in dhawaan uu la kulmi doono guddiyo ka kala socda labada garab ee baarlamaanka, kuwasoo mid diidan yahay mooshinka laga keenay ra’iisul wasaaraha halka kan kalena uu yahay garabkii keenay, si loo mideeyo kala aragti-duwanaanta u dhexeysa labada garab ee baarlamaanka.
"Waxaan qabaa in xallinta khilaafka madaxda dalka loo daayo baarlamaanka, sidaad la socotaa wuxuu horay u xalliyay khilaaf noocan oo kale ah, haddana xallinta midkaan waan ku gudo-jirnaa. Waxaan la kulmi doonaa labada garab ee xildhibaannada ah, waana dhameynaynaa arrinta,” ayuu yiri Jawaari.
Afhayeenka baarlamaanka ayaa intaas ku daray in Beesha Caalamka ay ra’yi ku darsan karaan arrimaha taagan, balse aan loo baahneyn inay fara-gelin ku sameeyaan, wuxuuna xusay in baarlamaanka uu awood u leeyahay inuu xalliyo khliaafka madaxda dalka u dhexeeya.
Sidoo kale, Jawaari ayaa ugu baaqay Ururrada Bulshada Rayidka ah inay la kulmaan ra’iisul wasaaraha, uuna isagu ku wargelin doono, wuxuuna intaas ku daray in loo baahan yahay inay kala hadlaan khilaafka taagan iyo sidii loo xallin lahaa.
Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweyaha Somalia iyo RW ayaa soo if-baxay dhawaan, kaddib markii labada mas’uul ay isku qabsadeen isku-shaandheyn kooban oo lagu sameeyay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.
Contact@afkashacabka.com
"Xallinta Khilaafka Madaxda Dowladda Somalia Waa in loo daayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya"... Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya
Guddoomiyaha baarlamaanka DFS, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa sheegay in dhawaan lasoo af-jari doono khilaafka ka dhex-oogan madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Somalia, isagoo xusay inaan loo baahnayn in Beesha Caalamku ay fara-gelin ku samey