Agasimaha Aqalka Madaxtoyada GobolkaTogdheer Yasiin Ex ayaa ka warbixiyey marxaladihi uu so maray aqalka madaxtooyada Togdheer oo dhismihiisi dhammaday iyo qalabki waddada cerigabo oo burco u sii dhaafay dhinaca cerigaabo

0
Wednesday March 12, 2014 - 15:22:54 in by Super Admin
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agasimaha Aqalka Madaxtoyada GobolkaTogdheer Yasiin Ex ayaa ka warbixiyey marxaladihi uu so maray aqalka madaxtooyada Togdheer oo dhismihiisi dhammaday iyo qalabki waddada cerigabo oo burco u sii dhaafay dhinaca cerigaabo

    Agasimaha Aqalka Madaxtoyada GobolkaTogdheer Wuxu kalo ka warramay qalabkii waddada ceerigabo oo soo gadhay burco una sii gudbay wadda ceerigaabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agasimaha Aqalka Madaxtoyada GobolkaTogdheer Wuxu kalo ka warramay qalabkii waddada ceerigabo oo soo gadhay burco una sii gudbay wadda ceerigaabo

 

Agasimaha Aqalka Madaxtoyada GobolkaTogdheer Yasiin Maxamed Shide (Yasiin Ex) ayaa Shir-Jaraid Oo Uu ku Qabtay Xafiiskisa Magalada Burco Waxa Uu kaga Hadlay Dhismaha Aqalka Madaxtoyada Burco Oo Maanta la soo Gaba-Gabeeyay Dhismahisii,

 

Agasimaha Aqalka Madaxtoyada Togdheer Yasiin Maxamed Shide (Yasiin Ex) waxa uu Shirkiisani Jaraaid Kaga Hadlay Cagafcagafyo Loogu Talo-Galay Dhismaha Wadada Ceerigabo Kuwaasi Oo Magalada Burco Loo Sii Dhaafin-Doono Dhinaca Gobalka Sanaag.

 

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii "Ugu Horayn Waxaan u Mahad Naqayaa Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Silanyo Oo intii ay Bulshadu u Dooratay Hogaanka Dalka Wax Badan u Qabtay Dalka,Waxa Jira DadBadan Oo Aanay ishoodu arkayn Waxqabadka Xukumada, Kuwaas Waxaan Leeyahay Waxaanu ku Akhriyayna Macaadataynta,Waxa Kale Oo Aan Shirkan Jaraid Uga Mahad Naqayaa Wasiirka Madaxtoyada Oo ah Runtii Wasiir Howlkar ah,Wasiirkas ilaahay Wuxuu Siiyay Laba Dabeecadood Oo Kala ah Dulqaad iyo Hubsasho,Waxaan Leeyahay Wasiir ilaahay Hakugu Garab-Galo,intaasi ka Dib Sida Aad Maanta arkaysaan Waxa La Soo Gaba-Gabeeyay Gurigii Martida Burco, Ama Gurigii Madaxtoyada Gobalada Bariga, Runtii Waa Guri ku Fadhiya Baaxad Aad u Baladhan Waa Guri ay Baaxadiisu Aad u Qurux Badan Tahay,insha-allah Maalmaha Soo Socda ayaa la Furi-Donaa Lana Qalabayn Donaa,Waxaan Jecelahay inaan Halkan Kala Hadlo Bulshada Reer Burco, Burco Waxay ahayd Hooyadii Laga Aasasay Somaliland,Tartan Baa Gobalada ka Dhaxeeya,Reer Burco Waxaan Leeyahay aynu Soo Celino Tartankii aynu Kula Jirnay Gobalada Dalka Oo Dhan Oo aynu iska ilaalino Kala Qaybsanaanta bulshada,intaasi ka Dib Maanta Waxa na Soo Gaadhaya Cagafyadii Loogu Tallo-Galay Dhismaha Wadada Cerigabo,Waxaan Leeyahay Bulshada Ninkii Xoog Hayoow Xooga Kaga Qaybqaado Kii Dhaqaale hayawna Dhaqaale Kaga Qayb-Qaado Dhismaha Wadooyinka Dalka" Ayuu Yidhi Agasimaha Aqalka Madaxtoyada Togdheer Yasiin Maxamed Shide (Yasin Ex)

 

Gebogabadii Dhismaha Aqalka Madaxtoyada ee Gobolka Togdheer Ee Maanta la Soo Gaba-Gabayey dib u dhiskii ku socday ayaa la Filayaa in Todobadka Soo Socda uuXadhiga ka Jari-Doono Madaxweynaha JSL oo ku soo jeeda Dhinaca gobolkan Togdheer.

 


 


 

Afkashacabka.com

Burco /Office

Contact@afkashacabka.com