Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xubno Beeralay Ah U Xidhay Tababarka Cilmi Daadajinta, Xubno Cusubna U Furay

0
Friday November 21, 2014 - 12:13:56 in by salman abdi
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xubno Beeralay Ah U Xidhay Tababarka Cilmi Daadajinta, Xubno Cusubna U Furay

    Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Faarax ayaa maanta tababar u xidhay xubno beeralay ah oo aqoonta beeraha ee loo yaqaano dugsi goobeed ku baranayey xarunta cilmi baadhista iyo tababarada Wasaaradda Beeraha ee Abu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Faarax ayaa maanta tababar u xidhay xubno beeralay ah oo aqoonta beeraha ee loo yaqaano dugsi goobeed ku baranayey xarunta cilmi baadhista iyo tababarada Wasaaradda Beeraha ee Aburiin, isaga oo xubno kale oo cusubna u furay isla tababar noocan ah.

Xaflad loo qabtay xidhitaanka tababar ay soo qaadanayeen xubno beeralay ah oo ka badan 28 beeralay muddo laba todobaad ah ayaa lagu qabtay xarunta cilmi baadhista iyo tababarada Wasaaradda beeraha oo ku taala tuulada Aburiin oo ka tirsan degmada Faraweyne.

Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Faarax, Xidhiidhiyaha Barnaamijkan beeralayda lagu tababarayo ee loo yaqaano Dugsi goobeedka Beeraha Axmed Ismaaciil, La taliyaha Wasiirka Ibraahim Carab, Af-hayeenka Wasaaradda Sacad Muuse Cabdi, Masuuliyiinta deegaanka iyo Masuuliyiin ka socday Hay’adda FAO oo uu ka mid yahay madaxa hay’addaasi ee Somaliland Muluketa.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo madashaasi hadal ka jeediyey ayaa beeralayda ku bogaadiyey inay waxa ay dugsiga ka bartaan ku dabaqaan wax soo saarkoodii, isla markaana sii baraan beeralayda kale ee ay matalayaan.

Agaasimaha guud ayaa waxa uu sheegay inay beeralayda la tababaray ka sugayaan inay aqoontii ay barteen inay ka muuqato beeraha Somaliland, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya "Farxad ayey noo tahay inaynu tababar u soo xidhayno 28 Beeralay ah, isla markaana tababar kale u furayno 34 beeraalay ah oo kale, waxaanan qoladiina tababarka loo xidhayo ee wax baratay idiin sheegayaa in wixii aad barateen ku dabaqdaan wax qabadkiina beeraha, iyada oo la idin siin doono shahaado, laba buug oo ka kala hadlaya la dagaalanka cayayaanka iyo barashada cilmiga beeraha, cilmigii aad barateen waxaan ku rajo waynahay inaad gaadhsiisaan bulshadii aad ka timaadeen, shaqada aad qabanaysaan markaad beeralaydii u tagtaan maaha mid aad dhaqaale ku helaysaan, balse waa mid aad faa’iido iyo ajar ku heli doontaan”.

Agaasimaha ayaa beeralayda wax baratay kula dar daarmay inay sii wadaan dedaalka, isla markaana waxa ay qabtaan la soo kormeeri doono, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya "Waa la idin soo mari doonaa oo la idinka war hayn doonaa”.

Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa uu hogo tusaalayn iyo dardaaran u jeediyey beeralayda cusub ee iyaguna tababarkan u furmayo, waxaanu ku yidhi dardaarankiisa "Qoladiina cusub waxa hawshan dib loogu nooleeyey in dib loogu faa’iideeyo bulshada, waxaanan ku rajo weynahay inaad waxbarashada si fiican u qaadataan”.

Isuduwaha Barnaamijkan beeralayda lagu tababarayo oo isna madasha ka hadlay ayaa tilmaamay sida loogu baahnaa tababarkan, isaga oo sheegay in tababarkan uu yahay mid ka turjumaya baahida aqooneed ee beeralayda.

Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxa Hay’adda FAO ee Somaliland Mallakute, Guddoomiyaha Degmada Aburiin Maxamed Jaamac iyo masuuliyiin kale oo halkaasi ka hadashay ayaa dhammaantood tibaaxay muhiimada wax barista beeralaydu leedahay iyo sida loogu baahan yahay in la sii kobciyo.


Contact@afkashacabka.com