Nicholas Kay Oo Diiday Inuu Raaligelin Kabixiyo Eedayn Uu Hore Ugu Jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya

0
Friday November 21, 2014 - 12:18:58 in by salman abdi
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nicholas Kay Oo Diiday Inuu Raaligelin Kabixiyo Eedayn Uu Hore Ugu Jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya

    Waxaa uu ahaa kulan lagu eegayay muddo sanad ah wixii ka qabsoomay yaboohii bulshada caalamka in ay maalgaliyaan qorshayaasha dowladda ee nabad iyo dal dhiska Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu ahaa kulan lagu eegayay muddo sanad ah wixii ka qabsoomay yaboohii bulshada caalamka in ay maalgaliyaan qorshayaasha dowladda ee nabad iyo dal dhiska Soomaaliya.



Shirkii heerka sare ee iskaashiga Soomaaliya iyo bulshada caalamka oo ay martigalisay Denmark, ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Copenhagen. Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa BBC-da u sheegay in ay tahay hay'adaha dowladda Soomaaliya ee sida barlamaanka, madaxtooyada iyo xafiiska Ra'iisul Wasaraaha ay tahay in ay raadiyaan xalka ismariwaaga siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda dowladda.Waxaa uu ahaa kulan lagu eegayay muddo sanad ah wixii ka qabsoomay yaboohii bulshada caalamka in ay maalgaliyaan qorshayaasha dowladda ee nabad iyo dal dhiska Soomaaliya.

Nicholas Kay ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin sabab uu raaligelin uga bixiyo eedeyn uu dhowaan u jeediyey xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku sheegay in qaar ka mid ah ay codkooda siisanayaan lacag.

 

Qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday danjire Kay in uu arrintaas raaligelin ka bixiyo.

 



Contact@afkashacabka.com