Nicholas Kay oo Ka Hadlay Arimaha Ammaanka Somaliya

0
Wednesday March 12, 2014 - 15:43:43 in by Super Admin
  • Visits: 899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nicholas Kay oo Ka Hadlay Arimaha Ammaanka Somaliya

    Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Nicholas Kay oo isagoo jooga Muqdisho Internetka kaga qeyb galay shirka golaha amaanka aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Nicholas Kay oo isagoo jooga Muqdisho Internetka kaga qeyb galay shirka golaha amaanka aya

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Nicholas Kay oo isagoo jooga Muqdisho Internetka kaga qeyb galay shirka golaha amaanka ayaa ka hadlay arimo  ay kamid yihiin amaanka iyo dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolada dalka Soomaaliya.

Wuxuu soo hadal qaaday weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dowlada Soomaaliya ay diyaarisay qorshe cusub oo amaanka Muqdisho wax looga badalayo, wuxuuna caalamka ka dalbaday inay Soomaaliya ka taageeraan xasiloonida iyo kala dambeynta.

 

"Waxaan ka dalbanayaa beesha caalamka inay sii wadaan taageerada lama huraanka ah oo lagu dhisayo awooda dowlada Soomaaliya, si ay ula wareegto howlaha amaanka, Soomaaliya waxay dooneysaa inay aragto ayna dareento faa’idada lago kordhinayo amaanka, waxaan u baahanahay inaan qorshe wanaagsan la imaano,  Maahmaah Soomaaliyeed ayaa dhaheysa GACAN MACAAN  AYAA KA WANAAGSAN AF MACAAN,  Wadanka oo 20 sano dagaalo ka socdeen wuxuu qabaa baahi weyn” ayuu yiri Nicholas Kay.

 

Wasiirka arimaha dibada Xukuumada Soomaaliya Craxmaan Ducaale Beyle ayaa isna goobta ka sheegay inay gaareen guulo la taaban karo oo dhanka amaanka ah, waxaana uu mahad celin u jeediyay xafiiska siyaasada QM iyo AMISOM.


"Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa Xasiifka siyaasada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, maxaa yeelay waxay taageerayaan dowlada Soomaaliya, taageerada dhabta ah ee aan iminka u baanahay ayaa ah, awooda aan ku dooneyno inaan ku dhameyno wax walbaa, inagoo eegayna  qodobkii aan ansixinay maalmo ka hor”.




Afkashacabka.com

Muqdisho /Office

Contact@afkashacabka.com