Dadweynaha Shiinaha Oo Qaliin Ku Sameenaya Doobta codka

0
Sunday November 23, 2014 - 14:34:11 in by Burco Office
  • Visits: 992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadweynaha Shiinaha Oo Qaliin Ku Sameenaya Doobta codka

    Dadka dalka Shiinaha, ayaa waqtiyadan aad ugu soo badanaysaa qalliinka dhuunta la iskaga sameeyo si raggu codkoodu u weynaado, halka haweenkuna door bidaan in codkoodu dhuubto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka dalka Shiinaha, ayaa waqtiyadan aad ugu soo badanaysaa qalliinka dhuunta la iskaga sameeyo si raggu codkoodu u weynaado, halka haweenkuna door bidaan in codkoodu dhuubto.

Qalliinkan codka lagu beddelaayo waxa uu noqday mid kor u qaaday qiimaha suuqyada qurxinta, iyagoo dhakhaatiirta fuliyaana sheegeen in sannadadii u dambeeyey ay kor u kacaayeen dadka qalliinadaas khatarta badan galaayey.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in qalliinada noocan ah dad badan ku sababeen in ay waayeen codkoodii, halkii ay cod kooda ka wanaagsan ka heli lahaayeen.

Lu Xiang oo 23 jir ah, qalliinkana galay, ayaa sheegay in gabadh uu jecel yahay muddo badan ku dacaayadayn jirtay in codkiiisu dhuuban yahay, aadna u dheer yahay, sidaa darteedna ay ku kaliftay inuu beddelo codkiisa dabiiciga ah.Xarumaha Jaamacadaha oo daraasado ka sameeyey qalliinka noocan ah waxay sheegeen in dadka Shiinaha ah raggoodu door bidaan in ay codka weyn ee labka yeeshaan, halka haweenkuna jecel yihiin codka dheddig ee dhuuban.

 

“Sannado badan, ardayda aannu isku fasalka nahay, asaxaabtaya waxay aad ugu qosli jireen aniga, sababtoo ah codkaysa oo ahaa mid aad u dhuuban, xataa waxa igaga tagtay gabadh aanu is jeclayn, sababtoo ah haweenku iimay arkan inaan ahayn nin dhab ah, sababtoo ah codkayga oo dhuubnaa” ayuu yidhi Lu oo la hadlaayey jariirada Global Times.

Ninkan oo codkiisu dhuubna waxa uu sheegay goobo uu ka shaqayn jiray oo ahaa inuu telefoonnada isku xidhiidhiyo ay dadku ku khaldi jireen inuu haweenay yahay.

Haddaba, qalliinada noocan ah ayaa dadku iska jaraa carjaw yar oo ku yaala cunaha, gaar ahaan dhuunta, kadibna isku mudaan daawo la yidhaa Botox oo doobta codka soo saarta wax ka beddesha.

Mr. Alasdiar Mace oo ah khabiir qalliinka dhuunta ku takhausay, kana tirsan cusbitaal la yidhaa Charin Cross oo ku yaala magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa wargeysa MailOnline u sheegay in daawada doobta codka lagu mudaa codka ka dhigto mid gaaban oo weyn amma cod dhuuban oo dheer.

Contact@afkashacabka.com