Cidamada Booliska Oo Hawl Gal Ay Qaadeen Ku Soo Qabtay Mukhaadaraad iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Ka Warbixiyey

0
Sunday November 23, 2014 - 14:51:24 in by Burco Office
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cidamada Booliska Oo Hawl Gal Ay Qaadeen Ku Soo Qabtay Mukhaadaraad iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Ka Warbixiyey

    Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay hawl gal balaadhan oo ay ka fuliyeen Magaaladda Hargeysa ku soo qab-qabtay Mukhaadaradaad badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay hawl gal balaadhan oo ay ka fuliyeen Magaaladda Hargeysa ku soo qab-qabtay Mukhaadaradaad badan.



Taliyaha oo arrimahaasi faahfaahin ka bixinaya ayaa yidhi 

"Hawl Gal balaadhan oo ay ciidamada Boolisku habeenkii xalay ahaa ka fuliyeen Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay ku soo qab-qabteen Hal Gaadhi oo Nooca Loo yaqaana Noohada ama basaska yaryar oo sidayTaliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo u u waramayay Hadhwanaagnews ayaa sheegay in hawl galkan oo ay xalay ciidamada Boolisku ka fuliyeen Caasimada lagu soo qabtay laba baabuur iyo hal qof oo iyagu siday Mukhaadaraadkan.

23 Jirikaan oo khamri ah iyo waliba Gaadhi Grande ah oo isaguna siday 10 (Toban) caagadaha Biyaha laga cabo oo lagu soo shubay Khamri” ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

 

Waxa uu intaasi ku daray isla markaana uu iftiimiyay Tirada dadka loo soo qab-qabtay Mukhaadaraadkan, waxaanu yidhi "Waxa aanu u soo qabanay Mukhaadaraadkan oo ay ciidamada Boolisku gacanta ugu soo dhigeen Hal Qof, waxaana sida uu sharcigu dhigayo la hor geyn doonaa Maxakamadaha” ayuu yidhi.

Dhinaca kale Waxa uu intaasi ku daray In ay hawl galka sii wadi doonaan isaga oo bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaanba ka codsaday in ciidamada Booliska lagu gacan siiyo Wixii nabad galyada wax u dhimaya 

"Waa Hawl Gal Balaadhan oo socon doona, waxanan ka codsanayaa shacabka Somaliland in ay ciidamadooda kala hawl galaan oo ay ku gacan siiyaan soo qabashada waxyaabahaasi amaanka iyo waliba dhaqanka wax badan ka bedelaya” ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan 

contact@afkashacabka.com