Warkii Ugu Danbeeyey Ee Tahriibayaal Lasoo Badbaadiyey Iyo Ciidanka Xeebaha Talyaaniga Oo Heegan Lagaliyey

0
Sunday November 23, 2014 - 18:58:46 in by Burco Office
  • Visits: 2430
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warkii Ugu Danbeeyey Ee Tahriibayaal Lasoo Badbaadiyey Iyo Ciidanka Xeebaha Talyaaniga Oo Heegan Lagaliyey

    Ciidamadda Illaaladda Xeebaha ee dalalka Talyaaniga Iyo Libya, ayaa 48-kii saacadood ee aynu soo dhaafnay soo badbaadiyay ugu yaraan Siddeed Boqol oo qof oo tahriibayaal ah oo oo hiirtays ah oo ku safraayay doonyo marayay badda Mediterranean-ka, sida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamadda Illaaladda Xeebaha ee dalalka Talyaaniga Iyo Libya, ayaa 48-kii saacadood ee aynu soo dhaafnay soo badbaadiyay ugu yaraan Siddeed Boqol oo qof oo tahriibayaal ah oo oo hiirtays ah oo ku safraayay doonyo marayay badda Mediterranean-ka, sidaana waxa lagu sheegay war ka soo baxay saraakiil sarsare oo ka tirsan dawladaha Talyaaniga iyo Libya.

Ciidamadda Illaaladda xeebaha ee wadanka Talyaaniga ayaa sheegay in shalay oo ku beegnayd maalin Sabti ah ay badda ka soo samata-bixiyeen Shan Boqol Iyo Labaatan qof oo tahriibayaal ah oo saarnaa Shan doonyood oo ka soo shiraaqday xeebaha dalka Libya, waxaanay ciidamaddu gurmadka bilaabeen kaddib markii ay ka war heleen astaamaha calaamadda u ah khtaraha digniinaha xilli ay doonyaha tahriibayaashu saarnaayeen ay ku soo


dhawaadeen xeebaha Jasiiradda Sicily.Sidoo kale, Boqol iyo Todobaatan qof oo kale oo muhaajiriin ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ciidamddu ka soo badbaadiyeen badda dhinaca waqooyi kaga beegan magaalo madaxda dalka Libya ee Tripoli.

Warku waxa kale oo intaa ku daray in ciidamada badda ee dalka Liibiya ayaa ku guulaystay in ay badda ka soo badbaadiyaan doon ay cilladdi ku timi oo maraysay biyaha xeebta Garabulli, oo Konton Kiilomitir jihadda bari kaga beegan caasimada Libya ee Tripoli.

Illaa hada, si dhab ah looma oga oo looma xaqiijin wadamadda ay u kala dhasheen dadkan muhaajiriinta ah ee badda laga soo samo-ta-bixiyay.

Tirada dadka tahriibayaasha ah ee labadii caano-maal ee u danbeeyay laga soo badbaadiyay badda ayaa ah ku dhawaad Siddeed Boqol oo qof.

Maaha markii u horaysay ee badda laga soo badbaadiyo dad tahriibayaal ah oo nafahooda ku soo biimeeyay badda, balse, tirada dadka muhaajiriinta ah ee laga soo badbaadiyo badda iyo tiradda dadka ku qaraqma ayaa sanadd-ba sannadka ka sii danbeeya aad u sii badanaysa.

WIXII WARAR AH EE HADBA KA SOO KORDHA WARARKAN KALA SOCO OO ISHA KU HAY SHABAKADDA WARARKA EE CAALAMIGA AH EE AFKASHACABKA.COM  
  


Contact@afkashacabka.com