Xarunta Hidadhowr Oo Kamid Noqotey Goobaha Cuntooyinka Wadaniga iyo Dhaqanka Sida Xooga ah Loogu Doonto Noqoteyna Barkulmisa Ajaanibka iyo Muwaadiniinta

0
Monday November 24, 2014 - 08:02:09 in by Burco Office
  • Visits: 1493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Hidadhowr Oo Kamid Noqotey Goobaha Cuntooyinka Wadaniga iyo Dhaqanka Sida Xooga ah Loogu Doonto Noqoteyna Barkulmisa Ajaanibka iyo Muwaadiniinta

    Boqolaal, qof oo isugu jira Ajaanib iyo muwaadiniinta Reer Somaliland ayaa, maalin walba xiliyada hadhimada ku kulma Xarunta Cusub ee hida-dhowr ee Magaalada Hargeysa kadib markii lagu lamaaneeyay huteel cunada Wadaniga ah sameeya, taas oo ay muwaadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal, qof oo isugu jira Ajaanib iyo muwaadiniinta Reer Somaliland ayaa, maalin walba xiliyada hadhimada ku kulma Xarunta Cusub ee hida-dhowr ee Magaalada Hargeysa kadib markii lagu lamaaneeyay huteel cunada Wadaniga ah sameeya, taas oo ay muwaadiniin fara badan oo kunool Caasimada Hargeysa siweyn u daneeyeen isticmaalka cunooyinka wadaniga ah oo ay kamid yihiin soorta, ama shuurada,Kibista,Cunooyinka laga sameeyo galeyda Caanaha Geela, Kaluunka iyo cuntooyin badan oo cunada Wadaniga ah kamid ah.


Shabakada Wararka afkashacabka oo booqatey Xarunta hidhadhowr ee Magaalada Hargeysa islamarkaana, wax ka weydiisay dhaqdhaqaaqa cusub ee kusoo kordhay indhawaale qeybta Xaruntan ee Cunada Wadaniga ah iyo
saxmada ay dadweynuhu ku qaabileen in la isu soo tilmaamo qaar kamid ah macaamiisha joogtada ku noqdey in ay usoo hadhimo doontaan ayaa sheegay in marka hore goobta laga bineeyay Xarunta hida-dhowr tahey goob istaraatijiyad ku ah in lagu xasuusto quruxda dhirta waaweyn ee hadhaca ah deegaanada Miyiga Somaliland ee hawada nadiifta ahi ku gedaaman tahey taas, oo qeyb ka noqota had iyo jeer nafsada cunada iyo qaadashada nasasho badan oo naftu kaga reyneyso buuqa iyo saxmada Magaalooyinka Waaweyn.

 

Fanaanada Caanka ah ee Sahra Halgan oo ikhtiraacdey Xarunta Hida-dhowr iyo qeybtan lagu kordhiyay ee huteelka cunada Wadaniga ah oo hadhwanaagnews wax ka weydiisay isbadelka iyo dhaqdhaqaaqa ka curety Xaruntan tan iyo intii ka dambeysay wakhtigii albaabada loo furey ayaa, sheegtay in Wakhtigani ay aad u fiican tahay islamarkaana, ay rajeyneyso in ay hore uga sii socon doonto halkan, waxaanay xustey in ay Muwaadiniinta Reer Somaliland haday yihiin Qurba joog iyo haday yihiin dadka caadiga ah ee Deegaanka ku ah Somaliland iyo ajaanibka daawanaya dhaqanka Somaliland intaba kusoo dhaweyneyso gacmo furan, waxaanay Fanaanada Sahra Halgan,oo shacbiyad badan ku leh bulshada Reer Somaliland Carabka ku dhufatey in ay kordhin doonaan cunooyinka Wadaniga ah noocyadooda kala duwan taas oo Caafimaadka Bulshada Reer Somaliland kaalin fiican ka qaadan doonta.

Sikastaba ha ahaatee goobtan Xarunta Hida-dhowr ee Magaalada Hargeysa ayaa soo jiidaneysa qof kasta oo halkaa gaadha marka loo eego Guryaha ka dhex sameysan ee aqal Soomaaliga ah oo loogu talagalay in lagu cuneeyo iyo hoolka weyn ee ka sameysan halkaasi oo lagu sharaxay guud ahaanba inta ay kooban yihiin qalabka Hidaha iyo dhaqanku noocyadiisa kala duwan,waxaana maalintii xiliyada hadhimadu taagan tahey aad ku
arkeysaa ajaanib badan oo soo booqanaya una soo doonta cunooyinka wadaniga ah ha ubadnaato soorta iyo kaluunka.


 


contact@afkashacabka.com