Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Isku Bedeshay Shirkad Ganacsi Oo Samaale Yeeshay.By Xogagaal.

0
Wednesday February 05, 2014 - 19:10:24 in by Super Admin
  • Visits: 1274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Isku Bedeshay Shirkad Ganacsi Oo Samaale Yeeshay.By Xogagaal.

    Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Isku Bedeshay Shirkad Ganacsi Oo Samaale Yeeshay.By Xogagaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Isku Bedeshay Shirkad Ganacsi Oo Samaale Yeeshay.By Xogagaal.


intii loo Magcaabay wasaarada maaliyada masuulka hada Xilkaasi Haya Cabdicasiis Maxamed Samaale kaasi oo kala wareegay xilkaasi Maxamed Xaashi Ayaa Waxaa ay wasaarada maaliyadu isku Bedeshay Shirkad ay ku bahoobeen Samaale Group iyadoo loo bixiyay Wasiir samaalena Magacan (SH,MUKHTAR) oo Aan gadaal kazoo sheegi doono Macnaha uu xanbaarsan yahay.

Shaqaalaha wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa marayay xiligii uu xilka wasaaradaasi joogay wasiir Xaashi 585 qof iyadoo ay shaqada Tanbareeriga loo yaqaan ay ku jireen 61 qof Balse taasi waxa ay kun jeer sii laban laaban tay markii uu kursiga wasaarada Maaliyada kusoo durkay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo taageero u raadinaya hankiisa uu hada kusoo hanbabaray ee uu loolanka Dhicisoobay Kula jiro Gudoomiyaha Rasmiga ee xisbiga Talada Dalka haya ee KULMIYE iyadoo shaqaalaha uu gaadhsiiyay kana dhigay 1210 qof Halka ay shaqaalihii rasmiga ahaa wasaaradaasi tuban yihiin wasaarada dhxdeeda ayaa Maalin kasta ay soo baxdaa shaqaale cusub oo liiska soo buuxinaya.

Marka ay dadku agmarayaan Agagaarka wasaarada Maaliyada Waxaa Ay dareemayaan Guuxa iyo canfiga ka aloosan Gudaha Wasaarada Maaliyada Somaliland taasi oo kulaylka iyo hanfiga Kasoo burqanayaa keenay in Wasiirka maaliyadu Samaysto Agaasimayaal siridaariya,oo idman una dhego Nugul Samaale Kuwaasi oo si xawli ah u sameeya Waxkasta oo uu doono haday tahay Lacago Foojar Ah(VOUCHERS) kaasi oo nooc kasta u qaybsamaya sida CASH,QANADARAAS iyo Hadii ay tahayba Horumarinta Baanka laga sii qaato (ADVANCE) Taasi oo macnaheedu yahay Marka ay timaado Lacag Amaah Ahi inay tahay Lacago la Xadayo oo amah loogu soo Gabaday.

Wasiirka Maaliayada ayaa hadaba Daaqada ka saara qof kasta oo shaqaale ah oo ka horyimaada hawlihiisa dadban ee lunsashada hantida qaranka Balse Ma eegayo Shaqo dawladeed,Dakhli Soo baxa isagoo u aanaynaya cidaasi inay difaacayaan Hantida umada duulaan cadna ku yihiin shaqadiisa oo la sheegay inuu u yaqaano ka Faaiidayso Intaad Kursiga Joogto.

Masuul Ka mid ka mid ah Shaqaalaha wasaarada Maaliyada oo ka gaabsaday Magaciisa oo Barnaamijkan Raacdada Wargayska Xogogaal Uga waramay sida uu wax uga ogyahay shaqada iyo maamulka wasaarada ee wasiir samaale ayaa hadalkiisa Ku bilaabay "Waxaa aad loo dhimaa tacridaihii dakhilga badani dalka kazoo geli lahaa sida Sigaarka iyo Electronicska isagoo wasiirku gacansaar la leh Dadka soo dejiya Maceeshadahaasi,Maamul xumada wasiir samaale waxaa ka kid ah xafiiska oo aan kala lahayn madax iyo minjo,haday tahay logistic,payment voucher iyo statics,stores,birjaysin iyo accounting gaar ah oo xafiis gaar ah leh,xafiisyadaas aan soo sheegnay waxaa ka shaqyn lahaa 25 qof ugu yaraan halka hada ay cid u afduuban tahay oo afar qof keliya,waana xayndaab xidhan oo cid kasta oo timaadaa ku dhex wareerto,waxaa uu leeyahay wasiir samaale qol gaar ah oo dhex samaysan xafiiskiisa kaasi oo uu la galo amase Danihiisa gaarka ah ku fushado isagoo u samaystay albaab xaga danbe oo uu ka baxo,lacagaha iyo laaluushkana qolkaas ayuu ku bixiyaa balse ma oga shacabka somaliland "Ayuu yidhi qofkaasi ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Hadaba waxaa la sheegay in ay wasaarada maaliyada xiligan ka taagan Gadood Shaqaale kuwaasi oo ka cabanaya Cunfiga iyo kala Qobqobka Uu ku talaabsaday wasiirka maaliyada waxaana sidaasi noo sheegay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada maaliyada Somaliland oo ku sugan xafiiska Hargaysa intii uu joogayn Aan haba yaraatee wax shaqo "hadii aan nalaka soo gaadhin sh Mukhtar fidnadiisa uu wado ee uu kula dhex jiro,dadka,wasaarada,dalka iyo Xisbiga Kulmiye Xataa golaha Wakiilada,taasi oo keentay in la waayi doono Miisaaniyada lana arki doono Qasnada dowlada Haawanaysa, waxaana ay baro dheeraatay sida uu Madaxweynaha dalku Wax u bixiyo,” Ayuu Yidhi

Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa la sheegay inuu Qoyskiisa U rartay Magaalada Nairobi,Isagoo halkaasi ka iibsaday Guryo Qaali ah oo aanay Somaliland khsanadeedu qaadi Karin,iyadoo wax laga naxo lagu tilmaami karo in Masuulka Sheeganaya wasiirka Maaliyadu Iibsaday Gaadhi qiimihiisu kor u dhaafayo 64 kun oo doolarka maraynkanka ah kaasi oo aan lahayn lambarka dowlada GT Lacagtaasina tahay mid ka baxday Khsnada dowlada Danyartii dalkuna cashuurtii laga qaaday aanay Waxba loogu qaban Iyadoo mujaahidiintii dalkuna gidaraada fadhiyaan……………LASOCO Qaybta Labaad

Wargeysaka xogagaal.