Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa ka digtay hab tuugo cusub ah oo lagu lunsado cashuuraha Baabuurta
Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa ka digtay hab tuugo cusub ah oo lagu lunsado cashuuraha iyo shuruucda dawliga ah ee baabuurta kala duwan ee dalka laga isticmaalo.
Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa ka digtay hab tuugo cusub ah oo lagu lunsado cashuuraha iyo shuruucda dawliga ah ee baabuurta kala duwan ee dalka laga isticmaalo.
Agaasimaha Waaxda Baadhista iyo Kormeerka Wasaaradda Maaliyadda Mr. Khadar Maxamed Cabdi, ayaa shaaciyey in heleen nidaam si tuugo ah loo adeegsado liisannada wadista baabuurta, buugaagta baabuurta iyo weliba waraaqaha waddo-marista iyo kala wareejinta gaadiidka, kuwaas oo si been abuur ama foojari ah loo sameeyey, iyadoo lagala baxsanayo cashuurta iyo nidaamka dawladda.
Mr. Khadar Maxamed Cabdi oo u warramay telefishanka Qaranka, waxa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen dad badan oo ka mid ah kooxo sameeyey foojarigan, isla markaana xadhig lagu xukumay, lana qabtay qalabkii ay ku shaqaynayeen. Waxaannu sheegay in waraaqaha iyo buugaagta been abuurka ah inta badan lagu xidho gaadiidka xuduudaha dalka ka soo gala, gaar ahaan dhinaca Soomaaliya, isagoo xusay in mararka qaarkood ay dhacdo in lagu xidho baabuur ka soo degtay dekedda Berbera.
Waxa kale oo Agaasime Khadar digniin u diray dhammaan mulkiilayaasha iyo wadayaasha gaadiidka kala duwan ee lagu qabto waraaqahan been abuurka ah, iskuna dayaya in ay gaadiidkooda ku waddo-mariyaan ama kula kala wareeggaan nidaam sharciga dawladda baalmarsan si ay ula baxsadaan cashuuraha ku waajibay in tallaabo adag o ciqaab ah laga qaadi doono, lana horgayn doono sharciga dalka
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com