Iran Sheegat In La Dheereyo Wakhtiga Wada Hadalada U Dhexeeya Iran Iyo Reer Galbeedka

0
Monday November 24, 2014 - 08:55:36 in by Burco Office
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iran Sheegat In La Dheereyo Wakhtiga Wada Hadalada U Dhexeeya Iran Iyo Reer Galbeedka

    Wasiirada arrimaha dibeda ayaa isku daya in ay heshiis ka gaadhaan Barnaamijka niyuukliyarka ee muranka dhaliyey ee Iran ka hor inta aanay dhamaan maanta oo ay ahayd mudadii kama dambeysta ahayd ee loo qabtay in heshiis lagu gaadho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirada arrimaha dibeda ayaa isku daya in ay heshiis ka gaadhaan Barnaamijka niyuukliyarka ee muranka dhaliyey ee Iran ka hor inta aanay dhamaan maanta oo ay ahayd mudadii kama dambeysta ahayd ee loo qabtay in heshiis lagu gaadho.



Diplomasiinta ayaa weli ku warama ay jiraan kala qeybsanaan ama kala foganaasho aad u daran, wadahadalada ka socda magaaalada Vienna, waxaana laga yaabaa in ay isla meel dhigaan is afgarad ku meel gaadh ah.


Lixda waddan ee awood leh ee kala ah Maraykanka, Britain China, Jarmalka iyo fransiiska ayaa doonaya in Iraan ay hoos u dhigto xadiga taya kordhinta macdanta ureeniyamka oo ay taasi ku badalato in laga qaado cunaqabateenada ay ku soo rogtay Qaramada midoobe.
Iraan waxay ku doodaysaa in Barnaamijkeedu yahay mid nabad gelya ah oo ay ku doonayso in ay ku dhaliso tamarta .


Axadii, sarakiisha Tixraan ayaa waxa ay ogolaadeen dibed baxyo dif iyo nadir ah oo ay sameeyeen kuwa mowqifkooda uu fogaaday, kuwaasi oo ku cambaareeyey dowladda in ay debacday cadaadiska reer galbeedka


Waxa sidoo kale kumay wasiirka arrimaha dibeda ee Maraykanka iyo Dhigiisa dalka Sacuudiga.
Inkastoo sacuudiga aanu qeyb ka ahayn waddamada kulmaya balse haddana waxa uu sacuudiga ka walaacsanyahay saameynta Iraan ay ku yeelanayso gobolka.
Waxa maanta la filayaa in uu gaadho Vienna wasiirka arrinta ee Shiinaha.

Contact@afkashacabka.com