Wasaaradda Maaliyadda Oo 7 Telefiishan Ku Amartey Inay Soo Bixiyaan Cashuurta Shaqaalahooda

0
Monday November 24, 2014 - 09:10:02 in by Burco Office
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Maaliyadda Oo 7 Telefiishan Ku Amartey Inay Soo Bixiyaan Cashuurta Shaqaalahooda

    Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa hay'adaha Warbaahinta ee ka hawl-gala dalka ka dalbatay inay muddo toddobaad ah ku bixiyaan cashuurta ku waajibtey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa hay'adaha Warbaahinta ee ka hawl-gala dalka ka dalbatay inay muddo toddobaad ah ku bixiyaan cashuurta ku waajibtey.

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa hay’adaha Warbaahinta ee ka hawl-gala dalka ka dalbatay inay muddo toddobaad ah ku bixiyaan cashuurta ku waajibtey.


Sidaana waxa lagu sheegay wareegto ka soo baxday Xafiiska cashuuraha beriga ee Wasaaradda Maaliyadda, taasi oo lagu sheegay in guud ahaan Telefiishannada ka shaqeeya Somaliland iyo hawl-wadeennadoodaba laga doonayo cashuurta ku waajibtey.

Agaasimaha Waaxda cashuuraha beriga ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad), ayaa wareegtada uu gaadhsiiyey xarumaha Telefiisannada dalka ka shaqeeya oo nuqul ka mid ah uu helay Wargeyska Somalilandtoday ku sheegay in telefiishannada lagu leeyahay cashuuro badan oo ay ka mid yihiin, cashuurta Macaashal Macaashka, cashuurta shaqaalahooda iyo weliba cashuuro kale oo uu ku jiro risiifarada dadka laga kireeyo.

Wareegtada cashuurta lagaga dalbanayo Telefiishannada ayaa u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Ajuurada Ruqsada iyo Cashuuraha Waajibay:

Sidaad ka war-qabtaan waxaa la idinku leeyahay cashuuro badan oo waxaad ka bixiseen aanay jirin ilaa hadda sida

-Cashuurta Macaash macaashka ganacsiga

-Cashuurta shaqaalaha idiin shaqeeya

-Fee-ga liisanka aad ku shaqaysataan

-Cashuurta gadista ee Recievers-ka aad kireysaan

Sidaas darteed waxaa la idinku war-gelinayaa Tv kastaa inuu iska soo bixiyo cashuuro lagu leeyahay muddo Toddoba cisho guddahood ah.

Warka 2-aad Raaci walaal

Telefiishannada warqaddan la gaadhsiiyey, ayaa waxay kala yihiin, HCTV, Universal, Bulsho, SLSC, True Cable, Milgo Tv, Royal Tv, Kalsan Tv, Somali Channel iyo kuwo kale oo aan Magacyadooda la xusin.

Warqaddan ayaa la ogeysiiyey, Wasiirrada Warfaafinta, Maaliyadda, wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda.


Go’aanka cashuurta lagaga dalbanayo Telefiishannada ayaa ka dambeeyay go’aan ay saxaafaddu kaga biyo diiday amar ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland toddobaadkii hore, kaasi oo nuxurkiisu ahaa ku dhaqanka xeer nidaamiye xaddidaya wararka warbaahinta.


Contact@afkashacabka.com