Magaalooyinka Borame ,Gebiley Iyo Wajaale Oo Xalay Dhulgariir Laga Dareemay.

0
Monday November 24, 2014 - 13:13:51 in by salman abdi
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalooyinka Borame ,Gebiley Iyo Wajaale Oo Xalay Dhulgariir Laga Dareemay.

    Sida wararku nagu soo gaadhayaan waxa magaalooyinka Wajaale iyo Gebiley laga dareemay dhul gariir xalay abaaro 10 kii oo ilaa toban daqiiqo dhiman ,iyada oo sidaas oo kalena laga dareemay gobolka Awdal magaalo madaxdiisa Borame.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida wararku nagu soo gaadhayaan waxa magaalooyinka Wajaale iyo Gebiley laga dareemay dhul gariir xalay abaaro 10 kii oo ilaa toban daqiiqo dhiman ,iyada oo sidaas oo kalena laga dareemay gobolka Awdal magaalo madaxdiisa Borame.

Magaalada Borame ayaa ah meel inta badan lagu arko dhulgariirkaasi iyo kuwo lamid ah ,iyada oo ay dadku aad u cabsadeen,iyada oo dadku Shabakada Caynabanews u sheegeen in ay kala duwanaayeen dhulgariirada ka dhacay Borame iyo Gebiley,waxaanu ahaa dhul gariirka ka dhacay Gabiley mid aad uga fududaa ka Borame.

 

Dhanka kalena abaaro 9:46 habeenimo ee xalay ayaa magaalada Wajaale oo ah goob ganacsi una dhaxaysa Somaliland Iyo Ethiopia laga dareemay dhul gariir ,kaas oo ahaa mid ay dadku sheegeen inay maqlayeen guux,sidoo kalena ay ruxmeen alaabooyinkii ganacsi ee meheradaha ganacsiga yaaley.

 

Dhul gariirada ka kala dhacay labada gobol ee Awdal iyo Gebiley ayaa ahaa kuwo kala duwan ,dadkuna siyaalo kala duwan u dareemeen,taas oo keentay in magaalada Borame dibada guryaha looga soo baxo halka Gebiley si caadiya loo dareemaayo uuna ka fududaa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 



Contact@afkashacabka.com