Fadhigii Baarlamaanka Somalia Ee Maanta Oo Markale Buuq Iyo sawaxan Ku Dhamaaday
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u balansanaa in mooshinka ka dhanka Ra'iisal Wasaare C/wali la horgeeyo xildhibaanada si ay uga doodaan, balse shirgudoonka ayaan ku guuleysan furitaanka fadhiga Baarlamaanka ee maanta oo isniin .
Liiska Xaadirinta xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dhowr jeer la hor istaagey ka dib markii xildhibaanada taageersan xukuumada Ra’iisal Wasaare C/wali ay jeex jeexeen liiska labo jeer, Sidoo kalana waxay jeex jeexeen nuqulada mooshinka qayb ka mida.
Xildhibaanada ayaa ku luuqeynaayey heesta calanka Soomaaliya, waxaana wararka u danbeeyeys sheegayaan in Afhayeenka Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisu ay banaanka hoolka uga baxeen, ka hor inata aanu bixin waxa jawaari sheegay in Mooshinka la qaybiyey, ajandahana la oggolaadey, Xildhibaanaduna ay haystaan muddo shan maalmood ah oo ay ku soo akhristaan mooshinka.