MADAXWEYNE SIILAANYO OO XALAY U HOYDAY SAYLAC, MAANTANA LAGU SO DHOWEYEY LUGHAYA DEKEDD CUSUB NA DHAGAX DHIGAY

0
Wednesday March 12, 2014 - 16:27:12 in by Super Admin
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE SIILAANYO OO XALAY U HOYDAY SAYLAC, MAANTANA LAGU SO DHOWEYEY LUGHAYA DEKEDD CUSUB NA DHAGAX DHIGAY

    Madaxweyne Siilaanyo oo hadal kooban u Jeediyay Shacabka Gobolka Salal ayaa uga mahadnaqay sida wadaniyada leh ee ay ugu soo dhaweeyeen Gobolka Salal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Siilaanyo oo hadal kooban u Jeediyay Shacabka Gobolka Salal ayaa uga mahadnaqay sida wadaniyada leh ee ay ugu soo dhaweeyeen Gobolka Salal

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayay oo Socdaal Hawleed ku Maraya Deegaanada Xeebta Galbeed ee Somaliland ayaa  meel fagaare ah kala hadlay Shacabka ku dhaqan Magaalada Saylac.

 

Maamulka Heer Gobol ee Salal,Ka Degmada Saylac, iyo Madax dhaqameedyo ka hadlay Xaflad Soo dhawayn ah oo Madaxweynaha iyo Weftigiisa loogu sameeyay Magaalada Saylac ayaa uga Mahadnaqay Booqashada uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku yimid Gobolka Salal oo ay Xuseen inay u noqonayso markii 1aad Waxaa kale oo Madax dhaqameedka Gobolkaasi ay Madaxweynaha u qadimeen Tabasho ay Gobol ahaan Tirsanayaan isla markaana rabaan in Xukuumadu ka gacan siiso kana Mid Yihiin Wado Xumo,Biyaha oo aan Wanaagsanayn,Adeegyada Caafimaadka oo Deegaamada Qaar aan wada gaarsiisnayn Waxa ay Odayaasha Dhaqanka ee Gobolkaasi Hambalyo u soo jeediyeen Wasiirada Waxbarashada oo ay sheegeen in Mudadii ay Xukuumadani hogaaminta Qaranka haysay Wax weyn ay ka bedeshay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hadal kooban u Jeediyay Shacabka Gobolka Salal ayaa uga mahadnaqay sida wadaniyada leh ee ay ugu soo dhaweeyeen Gobolka Salal Waxaa kale oo Madaxweynuhu Sheegay inay ka garaabayo Wado Xumida haysata Gobolkaas oo uu indhihiisa ku soo arkay Waxaanu xusay in Xukuumadiisu hada ku hawlan tahay Wadooyin badan oo dalka laga wado isla markaana waxa uu balan qaaday in Wixii awoodooda ah aanay waxba kala hagran doonin .

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland waxa uu uga mahadceliyay duqayda gobolkaas sida ay u soo bandhigeen tabashadooda iyo sida ay u qireen wixii ay dawlada uu hogaamiya ay qabatay. Waxaana Weftiga Madaxweynahu intas kadib u kicitimay dhinaca Gobolka Saaxil.



Kala soco wararka safarka madaxweynaha Afkashacabka.com



Afkashacabka.com

Burco /Office

Contact@afkashacabka.com