Layaabka Maanta:Ninkii Doonayey In Uu Inantiisa Guursado Ayuu Ku Xidhay In Uu Facebook-giisa Like-ta Gadhsiyo 1Milyan

0
Monday November 24, 2014 - 13:30:24 in by salman abdi
  • Visits: 2365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Layaabka Maanta:Ninkii Doonayey In Uu Inantiisa Guursado Ayuu Ku Xidhay In Uu Facebook-giisa Like-ta Gadhsiyo 1Milyan

    Saalim Cayaash oo ah aabe Yamani ah oo ku nool dalka Yaman ayaa ku xidhay wiil soo doonay inantiisa in uu bogiisa facebook-ga uu soo gaadhsiiyo 1Milyan oo like isaga oo u balanqaaday in hadii uu sidaa sameeyo uu bilaash ku siin doono inantiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saalim Cayaash oo ah aabe Yamani ah oo ku nool dalka Yaman ayaa ku xidhay wiil soo doonay inantiisa in uu bogiisa facebook-ga uu soo gaadhsiiyo 1Milyan oo like isaga oo u balanqaaday in hadii uu sidaa sameeyo uu bilaash ku siin doono inantiisa.


 


Dalka Yaman ayaa waxaa caado ka ah in ragu marka ay soo doonaan hablaha laga qaado lacag aad u farabadan ama tiro geel ah, laakiin waxaa si weyn ugub u ah in aabe uu inantiisa ku bixiyo like lagu siiyo facebook.

Laakiin sababta keentay in aabahani uu tan sameeyo ayaa lagu sheegay in odeygu uu leeyahay bog xayeysiiya waxyaabaha hadiyadaha loogu keeno dadka ee qaaliga ah, sidaa darteedna uu doonayo in dad badan ay la socdaan waxyaabaha uu soo kordhiyo.

Waxa uu wiilkan ka codsaday in isagu uu like-gareeyo oo uu asxaabtiisa iyo dhamaan dadka kale uu gaadhsiiyo in ay like siiyaan isaga oo ku xidhay in hadii uu 1 Milyan gaadhsiiyo oo keliya uu la aqal geli doono inantiisa.


 

Cayaash oo la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in uu arintan kaga lug leeyahay isaga oo doonaya in dad badan ay la socdaan waxyaabaha uu iibiyo iyo sidoo kale in dhalinyaradu ay la jaanqaadaan casriga cusub ee warbaahinta bulshada.

Boga aabahan ayaa maalinimadii arbacada helay in ka badan 30,000 oo Like , laakiin tirada uu weli helay ayaa aad uuga yar tii xaajigu filayey in uu wiilka ka helo oo ahayd 1 Milyan.

Sheekada dhexmartay wiilkan iyo aabaha dhalay inanta uu soo doonay ayaa si weyn ay hadalhaynteedu uuga taagantahay dalka Yaman oo dawlada dalkaasi ay sanadihii ugu danbeeyey isku dayaysay in xal laga gaadho arinta guurka dhalinyarada, si loo yareeyo tirada dhalinyarada ah ee aan ku guuleysan in ay guursadaan iyada oo sababtu tahay lacagaha faraha badan ee lagu xidho.

Waxaa sidoo kale sanadihii ugu danbeeyey sii kordheysay tirada dhalinyarada ah ee halmar iyaga oo koox ah wada qabsanaya xaflad aroos si loo dhiirigeliyo dhalinyarada aan awoodin kharashaadka faraha badan ee ku baxa xafladaha arooska. 


Contact@afkashacabka.com