Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, ayaa sheegay in Dilkii Sabtidii Alshabaab u gaysatay 28 Qof oo Kenyan ah ay ugu aareen 100 ka tirsan Ururka Al-shabaab, hase ahaatee Alshabaab warkaasi wey beenisay.
Mr Ruto waxa uu sheegay in laba weerar oo ay ku qaadeen laba fadhiisin oo Al-shabaab ku leedahay Gudaha Somalia ay ku dileen 100 Maleeshiyaadka Al-shabaab ka tirsan, isagoo tilmaamay inay soo daba raaceen Weerarkii Al-shabaab ku dishay 28 qof ee Masiixiyiinta ah.
William Ruto oo la hadlay Warbaahinta Dawladda ayaa isagoo Al-shabaab la hadlay waxa uu yidhi "Farriinteennu waa mid cad; idinku waxaad disheen shacab aan waxba galabsan. Weerar walba oo aad Kenya iyo shacabkeeda aad kusoo qaadaan, waan idin ka aargudi doonnaa meel walba oo aad tagtaan,”
Dhanka kalena Afhayeenka hawlgalada Al-shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa warkan Ruto ee Caawa soo baxay jawaab degdeg ah ka bixiyay, waxaanu sheegay inaanu warkaasi sal iyo raad toona lahayn. Waxa uu sheegay inaanay jirin dhib soo gaadhay Al-shabaab, isagoo hadalka Masuulkan Kenya ku macneeyay waxyaabaha Madaxda Kenya ku qariyaan guuldarooyinka soo gaadha.
Kenya ayaa marti u noqday dilal qorsheysan, qaraxyo iyo weerarro toos ah oo ay dalkaas ka fuliso Al-shabaab tan iyo markii ay kumannaan askartooda ah u direen Somalia 2011-kii kuwaasoo ay sheegeen inay gudaha Somalia kula dagaalamayaan Al-shabaab.
Contact@afkashacabka.com
Madaxweyne Xigeenka Kenya Oo Sheegay Inay 100 Al-shabaab Ka Tirsan Dileen iyo Shabaab Oo Ka Jawaabtay
Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, ayaa sheegay in Dilkii Sabtidii Alshabaab u gaysatay 28 Qof oo Kenyan ah ay ugu aareen 100 ka tirsan Ururka Al-shabaab, hase ahaatee Alshabaab warkaasi wey beenisay.