qalabkii ugu badnaa ee loo waday wadada ceeri gaabo ayaa soo gaadhay magaalada burco+Dadwyanaha burco oo u riyaaqay markii ay indhaha ka qadeen qalabkaasi

0
Wednesday March 12, 2014 - 16:34:47 in by
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    qalabkii ugu badnaa ee loo waday wadada ceeri gaabo ayaa soo gaadhay magaalada burco+Dadwyanaha burco oo u riyaaqay markii ay indhaha ka qadeen qalabkaasi

    Burco(afka)qalabkii ugu badnaa ee loo waday wadada ceeri gaabo ayaa soo gaadhay magaalada burco+Dadwyanaha burco oo u riyaaqay markii ay indhaha ka qadeen qalabkaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(afka)qalabkii ugu badnaa ee loo waday wadada ceeri gaabo ayaa soo gaadhay magaalada burco+Dadwyanaha burco oo u riyaaqay markii ay indhaha ka qadeen qalabkaasi

Qalabkan oo ka koobnaa cagaf cagafyo, iskaragooyin iyo qalabyo kale ayaa waxaa ay manta soo gadheen gudaha magaalada burco ayagoona u sii jeeda Xarunta Gobolka Sagaanag ee ceeri gaabo waxaana isla markiiba soo booqaday qalabkaasi kumanaan dad ah oo ku faraxsan waxqabadka la taaban karo ee xukuumada madaxwayne Axmed siilaanyo ka waddo dalka ayagoona halkaasi farxad rayn_rayn iyo waliba qalbi furan ku soo dhaweeyey qalabkaasi.

Waxaa iyaguna soo booqday qalabkaasi madaxda gobolka Togdheer oo uu hogaaminaayo Badhasaabka gobolka Togdheer Taliyaayaasha Policeka iyo asluubta Xildhibaano agaasimaha Madaxtooyada Gobolka Togdheer iyo Madaxkale.

Displaying S2280010.JPGDisplaying S2280016.JPG

Waxaana saxaafada la hadlay badhasaabka gobolka Togdheer isagoona sheegay in xukuumada Somaliland ay ku hawlantahay dayactirka iyo samaynta wadooyinka dalka ayadoona ay wadada ceeri gaabo ay kaw ka tahay isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in aanay xukuumadu ka caajisaynin horu marka dalka.

Displaying S2280023.JPG

Taliyeyaasha Policeka Iyo Asluubta oo iyaguna hadalo kooban halkaasi kasoo jeediyey ayaa iyaguna sheegay in indhaha caafimaadka qabaa ay arkaan horu marka dalka kuwii aan caafimaad qabina aan loo sheegi doonin waxaana ay intaasi ku dareen in qalabkani uu hor dhac u yahay sida ay xukuumadu ugu heelantahay in gobolka sanaag la jaan qaado gobolada kale ee dalka isagoo bay yidhaahdeen mudodii ay somaalidu xoriyadooda qaadatayba uu ahaa mid xabsi ku jira balse ay Xukuumada Axmed Siilaanyon ay doonayso inay kasoo dayso.

Xildhibaan mubaarig Bidhi &Xildhibaan Cabdi Laki ayaa iguna dhankooda sheegay in xukuumada Somaliland ay u heelantahay sidii ay Somaliland uga dhigi lahayd mid waxqabsata isla markaana aan u baahan gacan shisheeye oo wax la qabata,waxaa kale oo ay mucaaradka dalka ugu baqeen inay la yimaadaan sifada mucaaradku leeyahay ee ah bay yidhaahdeen in wax la toosiyo waxna la saxo lana sheego dhaliialaha xukuumad.

Agaasimaha madaxtooyadda Burco Yaasiin Ex oo isaguna hadalo kazoo jeedeyey ayaa sheegay in gobolada Somaliland ay u simanyihiin xukuumada isla markaana ay xukuumadu waddo sidii ay u dhisi lahayd wadooyinka isku xidha Ceerigaabo Iyo Burco, Burco Oodwayne Iyo Hargaysa iyo wadada Dawga cad.

Iskusoo wada duub oo qalabkan loo wado wadada ceeri gaabo ayaa hidi_diilo Galiyey dhamaanba shacabwaynaha gobolka togdher ayadooan ilaa iyo manta suuqyada magaalada burco lagaga sheekaysanaayey qalabkan oo aanay arag mudo ku dhaw 45sano.


Sidoo kale waxa la filayaa in shacab waynaha reer ceeri gaabo ay sugayaan qalabkan ayadoo sida muuqata ay u heelanyihiin inay mar qudha arkaan Gobolka Sanaag oo Mar qudha la jaan qaada gobolada kale ee dalka.

Shaafici Maxamed Ibraahim

/Burco Office

shaaficimaxamed@gmail.com