Daawo:Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Muddo Kordhin Ay Guurtidu Samayso Iyo Wada Hadal Lala Furo Cali Khaliif Galaydh.

0
Monday November 24, 2014 - 20:41:36 in by salman abdi
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Ka Hadlay Muddo Kordhin Ay Guurtidu Samayso Iyo Wada Hadal Lala Furo Cali Khaliif Galaydh.

    Sidoo kale Waxa uu Golaha Guurtida ka fogeeyey Eedo ay Asxaabta mucaaradku usoo jeediyeen oo sheegaya in Mudo Kordhin Xukuumada u hogaaminayo Madaxwaynaha Somaliland U samaynayaa Golaha Guurtidu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale Waxa uu Golaha Guurtida ka fogeeyey Eedo ay Asxaabta mucaaradku usoo jeediyeen oo sheegaya in Mudo Kordhin Xukuumada u hogaaminayo Madaxwaynaha Somaliland U samaynayaa Golaha Guurtidu.


Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayey in muddo kordhin la wado,taas oo ay golaha Guurtidu doonayaan inay mudada u kordhiyaan xukumada madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Sidaas waxa uu ku sheegay mar uu maanta qaar warbaahinta kamid ah kula hadlaayey xarunta Golaha Guurtida ,isaga oo sidoo kalena ka hadlay wada hadal lala yeesho siyaasiga diba meerka ah ee Cali Khaliif Galaydh ,waxaanu tilmaamay inay fiican tahay in lala hadlo isaga oo aan wadan mansab madaxweyne oo uu sheeganaayo inuu maamul qaybo Somaliland kamid ah,loona baahan yahay in lala hadlo isaga oo shacab ah ,waxa uu tabanaayona laga qanciyo lana soo dhoweeyo.

Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in aanay jirin wax muddo kordhin ah oo ay doorashadu dhici doonto sannadka dambe,isaga oo sheegay in wararka suuqa ku jiraa ay yihiin Been cad.


Contact@afkashacabka.com