WASIIR KU XIGGEENKA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA EE WASAARADA ARIMAHA GUDDAHA OO TABABAR U SOO XIDHAY ASKAR KA TIRSAN CIIDAMADA RRU IYO SPU-DA

0
Wednesday March 12, 2014 - 16:36:47 in by Super Admin
  • Visits: 819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIR KU XIGGEENKA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA EE WASAARADA ARIMAHA GUDDAHA OO TABABAR U SOO XIDHAY ASKAR KA TIRSAN CIIDAMADA RRU IYO SPU-DA

    WASIIR KU XIGGEENKA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA EE WASAARADA ARIMAHA GUDDAHA IYO TALIYE XIGENKA BOOLISKA SOMALILAND FOOXLE AYAA ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASIIR KU XIGGEENKA GOBOLADA IYO DEGMOOYINKA EE WASAARADA ARIMAHA GUDDAHA IYO TALIYE XIGENKA BOOLISKA SOMALILAND FOOXLE AYAA ...

Wasiir Ku Xigeenka  Wasaaradda Arimaha Gudaha Ee Maamulka Goboalda Iyo Dagmooyinka Mudane Cismaan Garaad Soofe Oo Ay Weheliyaan Taliye Xigeenka Ciidanka Booliiska Jsl  Sareeye Guuto Cabdi Raxmaan Liibaan Axmed [ Fooxle]  Iyo Saraakiisha Kala Duwan Ee Ciidanka Booliiska Ayaa Maanta U Soo Xidhay Tababar Mudo Shan Iyo Afartan Maalmood Ah Ugu Soconayay Dugsiga Tababarka Lixle Ee Mandheera    Shan Iyo Sagaansha Askari Oo Ka Kala Tirsan Ciidamadda Booliiska Ee RRU Iyo SPU Da..

Xafladaasi Oo Ka Qabsoontay  Dugsiga Tababarka  Lixle Ee Mandheera Ayaa Waxa Kazoo Qeyb Galay  Maayirka Degamadda Mandheera Yaasiin Yuusuf , Hogaanka Ciidanka Booliiska Ee Birmadka Cabdi Axmed Jiir , Hogaanka Tababarka Ciidanka Booliiska Siciid Xasan  Iyo Taliyaha Dugsiga Mandheera Cabdilaahi Budul.

Tababarkaas  Oo Ah Mid Dabasocday Tababaro Hore Oo Ciidamada S P U Iyo R R Y Ay Hore Usoo Qaateen Ayaa Maanta Loogu Soo Xidhay Halkaasi Waxaana Halkaasi Ka Hadlay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Ee Maamulka Gobolada Iyo Dagmooyinka Mudane Cismaan Garaad Soofe Oo Ku Dheeraaday Qiimaha Ay Ciidamada Booliisku U Leeyihiin Qaranka Waxaanu Ugu Horeyn Si Weyn Ugu Mahad Celiyay Macalimiinta Tababarkaasi Bixinaysay Iyo Cid Kast Oo Gacan Ka Geysatay Fulinta Aqoon Koradhsigaasi, Waxaanu Intaa Ku Daray  In Caadamada Booliiska Qeybahooda Kala Duwani In Ay Yihiin  Kuwo Hadh Iyo Habeen  Heegan Ugu Jira Ilaalinta Amniga Qaranka Waxaanu Ciidamada Tababarka Dhamaystay Kula Dardaarmay In Aqoonta Ay Barteen Ay Ku Hagaan Hawlaha Ay U Hayaan Bulshadda.

Waxa Sidoo Kale Halkaasi Ka Hadlay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan  Liibaan Axmed  [ Fooxle] Oo Ka Waramay Maraaxiilka Uu Soo Maray  Tabarkaasi Soo Maray Isagoo Xusay In Uu Daba Socdo Tabotabro Hore Oo U Soo Socday  Ciidanka Booliiska Qeybihiisa Kala Duwan Waxaanu Ciidamada Usoo Jeediyay In Ay Aqoonta Ay Abrteen Ay Ku Dabaqaan Shaqooyinkooda Ay Hayaan .

Waxa Iyna Halkaasi Ka Hadalo Ku Aaddan  Ujeedada Tababarka  Kazoo Jeediyay Halkaasi  Hogaanadda Kala Duwan Ee Ciidanka Booliska  Taliyaha Dugsiga Iyo Maayirka  Degmada Mandheera Kuwaasoo Si Weyn U Amaanay Ciidanka Tababarka Dhamaysatay Iyo Macalimiinta Tababarka Bixinaysay.




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com