Waxaan maanta go'’aansaday inaan guriga Wasaaraada Warafaafinta ee Gobolka Togdheer ku wareejiyo Madaxweynaha JSL Axmed Sillanyo …Mujaahid Axmed Xasan Warsame (Qori Gubtay ).

0
Thursday March 13, 2014 - 10:00:17 in by Super Admin
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan maanta go'’aansaday inaan guriga Wasaaraada Warafaafinta ee Gobolka Togdheer ku wareejiyo Madaxweynaha JSL Axmed Sillanyo …Mujaahid Axmed Xasan Warsame (Qori Gubtay ).

    Sida la ii sheegay Gurigani waxa uu hore u ahaan jiray xarunta Wazaaradda Warfaafinta Gobolka Togdheer. Tan iyo intii aan gacanta ku hayey waxaan wargeliyey madaxdii Wazaaradda ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida la ii sheegay Gurigani waxa uu hore u ahaan jiray xarunta Wazaaradda Warfaafinta Gobolka Togdheer. Tan iyo intii aan gacanta ku hayey waxaan wargeliyey madaxdii Wazaaradda ee

Waxaan maanta go’aansaday inaan guriga Wasaaraada Warafaafinta  ee Gobolka Togdheer ku wareejiyo Madaxweynaha JSL Axmed Sillanyo, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali iyo Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ah wasiirkii ugu macquulsanaa ee soo mara Warfaafinta , inkastoo aanay ii suurogelin inaan la kulmo.……………………Mujaahid Axmed Xasan Warsame   (Qori Gubtay )

Aniga oo ah Mujaaahid Axmed Warsame oo ka tirsnaa halgamayaashii Ururkii SNM, waxaan gacanta ku hayey dhismaha guri dowladdu leedahay tan iyo 1991kii xoreyntii dalka kaddib. Sida la ii sheegay Gurigani waxa uu hore u ahaan jiray xarunta Wazaaradda Warfaafinta Gobolka Togdheer. Tan iyo intii aan gacanta ku hayey waxaan wargeliyey madaxdii Wazaaradda ee dowldihii kala dambeyey ee Somaliland. Nasiib darro, ma dhicin cid danaynanysay oo si habsami leh iigala wareegta, ilaa haddana Wazaaradda Warfaafinta ee Gobolka Togdheer waxay ku jirtaa guri kiro ah, mana jirto sabab ay taasi ku dhacdo.

Ka sokow, waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan ka difaacay dhac iyo boob loo geysan lahaa dhismaha guriga iyo qalab xafiiseedyo yaallay. Waxa intaa ii dheeraa, ishortaag aan kula tacaallay dhowr jeer oo la damcay in guriga iyo dhulkiisa oo aad u ballaadhan la kala iibsado, waxaana iga soo gaadhay tahdiid, cagajuglayn iyo iyadoo la ii adeegasday rasaas iyo toogasho iigana imanaysay dayday, dowlad iyo rag hantiileyaal ah.

Ugu dambayn, waxa maanta ii  muuqatay rajo dowlanimo oo la isku hallayn karo tan iyo intii talada uu qabtay Mujaaahid Axmed Mohamed Siilaanyo oo ahaa Hoggaamiyihii Xoreynta Dalka, iyadoo ay muuqdaan waxqabadyo garwshiiyo leh ee dowladdani soo kordhisay sida dibu-dhiska kaabayaasha adeegga Qaranka , hadday tahay hagaajinta Waddoooyinka iyo dibu-dhiska Xafiisyada Qaranka.

Sidaa awgeed, waxaan maanta go’aansaday inaan gurigan ku wareejiyo Madaxwynaha JSL Axmed Sillanyo, Waziirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali C/llaahi iyo Waziirka Warfaafinta Cabdillaahi Daahi Cukuse oo ah waziirkii ugu macquulsanaa ee soo mara Wargfaafinta , inkastoo aanay ii suurogelin inaan la kulmo.

Ugu dambayn, waxaan si sharaf leh uga codsnayaa Madaxwedynaha iyo Madaxda kale e kor ku xusanba inay gurigan iigala wareegaan si meeqaan leh oo waafaqsan qarannimada, iiguna beddelaaan wixii cawil naq ah ee ii goyn kara dhismo guri oo aan dejiyo afarta xaas iyo ubadkooda, maadaama aanay jirin hanti hore aan u lahaa , iyadoo xilligii aan xoogga lahaa ku dhammaystay dibu – xoreyntii dalkan oo dhib iyo dhaawac badani iga soo gaadhay.

 Mujaahid Axmed XAsan Warsame ( Qori Gubtay )

Gurigii hore ee Wazaaradda wafaafinta Gobolka Togdheer, Burco

Tell: 063 4288282