Madaxweynaha somaliland cabdiraxmaan cirro ayaa madxtoyada ku qaabiley wasiirkuxigenka arrimaha debedda Taiwan

0
Friday December 13, 2024 - 19:24:26 in by salman abdi
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha somaliland cabdiraxmaan cirro ayaa madxtoyada ku qaabiley wasiirkuxigenka arrimaha debedda Taiwan

    Madaxweynaha somaliland cabdiraxmaan cirro ayaa madxtoyada ku qaabiley wasiirkuxigenka arrimaha debedda Taiwan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha somaliland cabdiraxmaan cirro ayaa madxtoyada ku qaabiley wasiirkuxigenka arrimaha debedda Taiwan
Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa doonaya inuu sii wado horumarinta cilaaqaadka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan.
Sidaasna waxa lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA, waxana ay xustay in wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Taiwan Francois Wu  oo metelayey madaxweynaha dalkaasi uu khamiistii ka qaybgalay xafladdii lagu caleemo saaray madaxweynaha cusub ee Somaliland.

Wasaaradda Khaarajiga Taiwan waxay tilmaantay in madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu kulan uu la yeeshay wasiir ku xigeenkooda arrimaha dibadda uu u sheegay inuu doonayo in shirkadaha ganacsiga Taiwan ay maalgeliyaan JSL.

Waxa kaloo warku intaas ku daray in madaxweynaha Somaliland uu bayaamiyay in Taiwan tahay dal uu iskaashi weyni ka dhexeeyo Somaliland, isla markaana la xoojiyo xidhiidhka isgaadhsiinta, waxbarashada iyo caafimaadka guud.

Taiwan iyo Somaliland ayaa cilaaqaad lahaa tan iyo sannadkii 2020kii oo labada dal isweydaarsadeen xafiisyo wakiillo diblomaasiyaddeed.