Dhegeyso Kulankii saxaafadda ee dallada SONSAF iyo odhaahdii Masuuliyiinta iyo saxaafadda

0
Thursday March 13, 2014 - 11:39:38 in by Super Admin
  • Visits: 829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhegeyso Kulankii saxaafadda ee dallada SONSAF iyo odhaahdii Masuuliyiinta iyo saxaafadda

    "Haddii xeer la soo hadal qaado waxa dhacda in saxaafaddu ka cadhooto oo ay cirka iyo dhulka marto, laakiin..." xildhiban xasan cawale caynan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii xeer la soo hadal qaado waxa dhacda in saxaafaddu ka cadhooto oo ay cirka iyo dhulka marto, laakiin..." xildhiban xasan cawale caynan
Shir wada-tashi ah oo lagaga doodayey, isla markana lagu qiimeeyey xaaladda Saxaafadda Somaliland ku sugan tahay xilligan, ayaa maanta lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Shirkan oo ay qaban-qaabadiisa lahayd dallada ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF, balse ay maamulkiisa gacanta ku hayeen Saxaafadda madax-bannaan iyo ururka SOLJA, waxa ka qayb-galay Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada, ururrada Saxaafadda, Suxufiyiin ka socday Hay’adaha warbaahinta, aqoon-yahanno iyo dad ka socday bulshadda rayidka ah, iyadoo ay tahay markii u horaysay ee ay xaaladda saxaafadda ka wadahadlaan warbaahinta iyo daneeyayaasha Saxaafaddu.

 
Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxman Cabdiwaaxid Cabdiqaadir oo shirkaas si rasmi ah u furay, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan shirarka saxaafadda, iyagoo la kaashanaya dallada SONSAF,waxaannu xusay in saxaafadda Somaliland haysato madaxbannaani buuxda.

"Waxaannu soo dhawaynaynaa in saxaafaddi si gaar ah u qabsato shirar iyo kulamo horumarkeeda la xidhiidha, iyagoo la kaashanaya SONSAF, saxaafaddu way madaxbannaan tahay, laakiin waxaynu ognahay in qaar warbaahinta ka mid ahi ku gafaan danta qaranka Somaliland, taasina waxa lagaga bixi karaa in la iska kaashado sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira qaar farsamo iyo mid sharciba, iyadoo laga wadahadalyo waxyaabaha danta qaranka iyo ta saxaafadduba ku jirto, iyadoo aan lagu gafayn madaxbannaanida saxaafadda,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland.
 
Guddoomiyaha Dallada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF Mr. Musfate Sacad Dhimbiil oo kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in shirkani daba socday kulan hore oo Hargeysa ka qabsoomay bishii February 2014, isagoo  xusay in saxaafaddu door ballaadhan ka qaadatay hub-ka-dhigistii, nabad-daadejinta, horumarka iyo kobcinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.
 
Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil, waxa uu tilmaamay in ujeeddada kulankani la xidhiidho sidii loo lafo-guri lahaa qiimaynta xaaladda saxaafadda Somaliland, isagoo xukuumada iyo baarlamaanka ka codsaday inay tixgeliyaan qoddobada ka soo baxa kulamada lagu qiimaynayo xaalada saxaafadda, kuwaasoo la soo bandhigi doono 29 March 2014.
 
Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mr. Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa isaguna halkaas ka sheegay duruuraha iyo caqabadaha saxaafaddu la kulanto, waxaannu xusay in loo baahan sidii duruufahaas looga bixi lahaa, la iskana kaashan lahaa horumarinta iyo tayeynta warbaahinta, maadaama ay door muhiim ah ku leeyihiin Somaliland.
 
Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshadda ee Golaha Wakiillada Md. Xasan Cawaale Caynaan oo furitaankii shirkaas ka hadlay, ayaa sheegay in saxaafadda Somaliland haysato madaxbannaani buuxda, kana qaybqaadato horumarka iyo wacyigelinta bulshadda.
 
Waxa xildhibaanku tilmaamay in saxaafaddu u baahan tahay xeer tayo leh oo ka ilaaliya in wax tacadi ah lagula kaco warbaahinta, isla markaana saxaafadda ka horjoogsada inay gef iyo meel-ka-dhac u gaysto qaranka iyo dadka wararka laga qoro, waxaannu xusay in aanay saxaafaddu wax sas ah ka qaadin xeerarka, maadaama aan la samayn karin xeer iyo sharci lagu cabudhinayo, lagagana qaadayo madaxbannaanida iyo xoriyadeeda.
 
"Haddii xeer la soo hadal qaado waxa dhacda in saxaafaddu ka cadhooto oo ay cirka iyo dhulka marto, laakiin waxa laga yaabaa in xeerkaasi dan u yahay saxaafadda lafteeda, mana aha in xeer laga baqo, waayo waxa ku jirta danta saxaafadda iyo danta qaranka. Saxaafaddu way madaxbannaantahay, haddii xeerkaas la isku dayo in la diyaariyo wuxuu noqon doonaa mid laga wada-tashado,” ayuu yidhi Md. Xasan Cawaale Caynaan.
 
Kulanka lagaga hadlay qiimaynta xaaladaha saxaafadda Somaliland, waxa muddadii uu socday lagaga dooday caqabadaha kala duwan iyo dhibaatooyinka warbaahintu la kulanto, waxaana la soo gunnaanaday gelinkii dambe ee maanta.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com