Natiijooyinka Kulamadii Champions League Ee Xalay Ciyaaray + Sawiro

0
Thursday November 27, 2014 - 10:21:33 in by Burco Office
  • Visits: 1278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijooyinka Kulamadii Champions League Ee Xalay Ciyaaray + Sawiro

    Waxa habeenki xalay ahayd Lawada CIyaaray Kulamda groupka ee champion-ka Halkan hoose ka Akhriso Natiijada Ciyaaraahaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa habeenki xalay ahayd Lawada CIyaaray Kulamda groupka ee champion-ka Halkan hoose ka Akhriso Natiijada Ciyaaraahaas

Real Madrid Oo Guul Ka Soo Gaadhay Basel Iyo Ronaldo Oo Barbareeyay Rekoodhkii Gool Dhalinta Ee Raul

real2

Real Madrid ayaa sii wada guulaheedii isdaba jooga ahayd waxayna caawa guul ka soo gaadhay kooxda Basel. Madrid ayaa guudhan ku soo gaadhay gool kaliya oo uu Cristaino Roanldo kulankan ka dhaliyay.

Kooxda difaacanaysa koobka Champions Leaqeuga difaacanaysa ee Real Madrid ayaa gurigeeda ku soo booqatay kooxda Basel, waxaana Real Madrid ka go’nayd inay sii wadato qaab ciyaareedka layaabka leh ee ay xili ciyaareedkan ku jirto. guul ay ka gaadho kooxda Basel ayaa Real Madrid ka dhigaysay inay guulaysatay 15 kulan oo isku xigay.

Cristino Ronaldo ayaa dhiniica soo doonayay inuu soo gabagabeeyo reekoodhkii gool dhalinta Champions Leaquega ee Raul kaas oo uu hore u jabiyay Lionel Messi. Laakiin Ronaldo ayaa sidoo kale doonayay inuu ku soo dhawaado gool dhalinta Messi oo ah 74 gool oo Champions Leaquega ah.

Inkasta oo ay Real Madrid sii waday qaab ciyaareedkeeda fiican ayay haddana inay goolka furitaanka dhalisaa ku qaadatay daqiiqadii 35 aad markaas oo uu C.Ronaldo kooxdiisa u dhaliyay goolka kowaad. Kubbad uu si layaableh uga soo shaqeeyayKarim Benzema ayuu Ronaldo u soo hordhigay goolka Basel, Ronado ayaan wax qalad ah samayn si uu u barbareeyo rekodhkii gool dhalinta Raul.Goolkan ayaana ahaa goolkii 71 aad ee uu Ronaldo ka dhaliy Champions Leaqeuga.ronaldo

Inkasta oo uu Ronaldo rekoodhka gool dhalinta Raul jabin lahaa kulankii Bernabeu ee ay Liverpool 1:0 kaga badiyeen ayuu haddana kulankan ku barbareeyay Raul oo muddo ahaa ciyaartoyga ugu goolasha badan Champions Leaquega. qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 1:0 ay Real Madrid ciyaarta ku hogaaminayso

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayayna labada kooxood wax goolal ah iska dhalinin, waxayna ciyaartu ku soo dhamaatay 1:0 ay Real Madrid guusha kaga soo gaadhay kooxda Basel. Ronaldo ayaana dhaliyay goolka kaliya ee ay Madrid guushu ku raacday. Goolkaas ayuuna Ronaldo ku barbareeyay rekoodhkii gool dhalinta ee Raul.ronaldo2

Atletico Madrid Oo Xasuuqday Olympiokos Iskana Xaadirisay Wareega 16ka Iyo Juventus Oo Guul Muhiim Ah Ka Soo Gaadhay Malmo

juve

Kooxda Juventus ayaa guul muhiim ah kooxda Malmo gurigeeda kaga soo gaadhay waxayna guusha uga mahad celinaysaaFernando Llorente iyo Carlos Tevez oo labada gool u kala dhaliyay.Juventus ayayna guusha u suurtogalisay inay groupkeeda ka gasho kaalinta labaad kadib guuldarada soo gaadhay Olympiokos.

Juventus ayaa soo booqatay kooxda Malmo, iyadoo oo doonaysay inay markale guul ka soo gaadho kooxdan.waxayna Juventus doonaysay inay guushani u sii dhawayso jidkii ay kaga soo bixi lahayd heerka groupyada ee Champions leaqeuga isla markaana ay ugu soo bixi lahayd wareega 16 ka.

Inkasta oo ay Juventus fursado badan heshay qaybtii hore ee ciyaarta ayay haddana qaybta hore ee ciyaartu ku soo dhamaatay barbaro gool la’aan ah. markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Juventus sii kordhisay weerar ka ay ku haysay kooxda Malmo waxaana daqiiqadii 49 aad ee bilawgii qaybtii danbeba goolka u dhaliyayFernando Llorente. kubbad uu ka haleyClaudio Marchisio ayuu Llorente Juventus goolka ugu dhaliyay.llorent

Daqiiqadii 88 aad ayuu Carlos Tevez kooxda Juventus saddexda dhibcood u xalaaleeyay kadib markii uu goolka labaad udhaliyay. ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2:0 ay Juventus guul muhiim ah kaga soo gaadhay kooxda Malma. guushan ayaana Juventus sahashay inay ku fadhisato booska labaad ee GroupA, kadib markii ay Olympiakos guul daro xanuun badan kala kulantay kooxda Atleco Madrid.

Alteltico Madrid Vs Olympiokos:mandzukic

dhinaca kale kooxda Atletico Madrid oo ay Juventus iyo Malma isku group A yihiin ayaa gurigeeda ku xasuuqaday kooxda Olympiokos oo marti u ahayd. Alletico Madrid ayaa Olympiakos ku dardartay 4:0 gool, waxaana goolasha u kala dhaliyay Raúl García iyo Mandzukic oo saddexlay dhaliyay. Atletico Marid ayaana u soo baxday wareega 16ka kooxood.mandzukic.jpg2

Liverpool Oo Markale Lagu Dhagay, Xili Goolka Barbarha Laga Dhaliyay Waqtiga Geerida Ee Dhamaadka Ciyaarta

ludog

Kooxda Liverpool ayaa markale natiijo aan fiicnayn kala soo kulantay kooxda Ludogorets oo ay marti u ahayd. Liverpool ayaa awoodi wayday inay 5 daqiiqo guul ku xejisato, waxaana daqiiqadii 88 aad goolka barbaraha ka dhaliyayTerziev. ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay barabro 2:2 ah.Rajada Liverpool ee ah inay u soo baxdo wareega 16 ka kooxood ayaa ku xidhan inay kulanka Anfield ka badiso kooxda Basel.

Liverpool ayaa soo booqatay kooxda Ludogorets oo ay group B ku wada jiraan, waxayna Liverpool ku hamiyaysay inay dib ugu soo laabato tubta guusha kadib markii ay soo gaadheen guuldarooyin is huwan oo tartamada oo dhan ah. Ludogorets ayaa dhankeeda doonaysay inay ka faa’iidaysato kalsooni darada haysa kooxda Liverpool.

Daqiiqadii 3 aad ee bilawgii ciyaartaba waxaa hogaanka la wareegtay kooxda martida loo ahaa ee Ludogorets, waxaana goolkaas u dhaliyay Dani Abalo, waxayna natiijada ciyaartu noqotay 1:0 ay Ludogorets ciyaarta hogaanka ugu qabatay. waxaana qaladka goolkaas iska lahaa Kole Toure iyo goolhaye Mignolets oo ku gool daraystay inay kubbada iska saaraan.Ludogorets ayaana u muuqatay inay doonaysay inay ka faa’iidaysato kalsooni darada ku habsatay Reds.ludo

Liverpool ayaa markeeda ka jawaabtay goolka looga hormaray, waxaana Liverpool gool madax ah u dhaliyay Rekie Lambert. Lambert ayaa siguna ka faa’iidaystay galad ay sameeyeen difaaca iyo goohayaha Ludogorets, sidaana wuxuu ku soo celiyay goolka looga hormaray, waxayna ciyaartu isku badashay barbaro 1:1 ah. Lambert ayaana goolka dhaliyay daqiiqadii 8 aad waana goolkiisii labaad ee uu liverpool u dhaliyo laba kulan oo uu saftay intii uu Balotelli dhaawac ku maqnaa.Lambert2

Liverpool ayaa markale daqiiqadii 37 aad ayuuJordan Henderson kooxdiisa Liverpool hogaanka u dhiibay, wuxuuna natiijada ciyaarta uu ka dhigay 2:1 ay Liverpool hogaanka ciyaarta markeeda kula wareegtay. Kubbad fiican oo uu ka soo shaqeeyay Raheem Sterling isla markaana uu soo hormariyay goolka Ludogorets ayuu Henderson goolka labaad Liverpool ugu dhaliyay.qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2:1 ay Liverpool hogaanka ku hayso.henderson

qaybtii danbe ee ciyaarta ayay kooxda Ludogorets inta badan ku dadaalaysay inay la timaado goolka barbaraha halka ay Liverpool ka samaysay fursado ay ciyaarta ku dili lahayd balse ugu danbayn daqiiqadii 88 aad ee dhaamaadkii ciyaarta ayuuTerziev u dhaliyay goolka barbaraha waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2:2 ah.ludog

markale ayuu Rodgers la kulmay natiijo aan ka farxin waxaana goolka laga dhaliyay markii uu Sterling oo ciyaarta iftiiminayay ka saaray isla markaana uu ku soo badalay Moreno. Basel ayaa leh lix dhibcood halka Liverpool iyo Ludogorets ay leeyihiin min afar dhibcood, Liverpool ayaana kulanka ugu danbeeya ee 9ka bishaan u baahan inay garaacdo Basel si ay ugu soo baxdo wareega 16ka.

Sanogo Iyo Sanchez Oo Guul Muhiim Ah U Horseeday Kooxda Arsenal,Xili Ay Emirates Stadium Ku Garaacday Dortmund

anrse

Arsenal ayaa gurigeeda guul muhiim ah gaga gaadhay kooxda Dortmund oo marti u ahayd . Arsneal ayaana guushan ku gaadhay 2:0, waxaana goolasha u kala dhaliyay YayaSanogo iyo Alexis Sanchez.Arsenal ayaana sidaa iskaga xaadirisay wareega 16 ka kooxood ee Champions leaquega.

Arsenal ayaa Emirates Stadium ku soo dhawaysay kooxda ree Jarmal ee Borussia Dortmund, waxayna Gunners oo ciideeda iyo jamaahiirteeda ka faa;iidaysanaysaa ku fikiraysay inay guul muhiim ah ka gaadho kooxda Dortmund. Arsenal ayaana maanka ku haysay in guul ay ka gaadho Dortmund ay culayska haysta ka yarayn doonto.

Arsenal ayaana ciyaarta dardar ku soo gashay taas oo usuurto galisay inay daqiiqadii 2 aad ee bilawgii ciyaartaba goolka kowaad la timaado. kubbad fiican oo uu ka helay Santi Cazorla ayuuYaya Sanogo kooxdiisa Arsenal ugu dhaliyay goolka ay hogaanka ciyaarta kula wareegtay.sanogo

markii ay line upka lagu arkayYaya Sanogo ayay jamaahiirta Arsenal ka cadhoodeen laakiin waxaa qasab ku noqotay inay u sacabiyaan markii uu goolka u dhaliyay. waa goolkii kowaad ee rasmiga ahaa eeYaya Sanogo Arsenal u dhaliyo.qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku dhamaatay 1:0 ay Arsenal ciyaarta ku hogaaminayso.

Qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Arsenal halkii ka sii waday qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay qaybtii hore ee ciyaarta soo bandhigtay, waxayna goolka labaad heshay daqiiqadii 57 aad, waxaana gool qurux badan u dhaliyay Alexis Sanchez. markale ayuu Cazorla magiciisa ku qoray inuu caawiye ka noqodo goolka labaad ee Arsnal.sanchez

Cazorla ayaa markale kubbad fiican siiyay Sanchez kaas oo isaguna si qurux badan kooxdiisa ugaga faa’iideeyay. ciyaarta ayaana noqotay 2:0 ay Arsenal ciyaarta ku hogaaminayso.ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2:0 ay Arsenal guul muhiim ah ku gaadhay.

contact!@afkashacabka.com