"Faysalow, Waxaan Hubaa In Haddii Aad I Soo Doonato Aan Dhulka Ku Dhigi Doono" Wasiir Ku Xigeenka Gaashaandhiga

0
Wednesday February 05, 2014 - 19:16:37 in by Super Admin
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Faysalow, Waxaan Hubaa In Haddii Aad I Soo Doonato Aan Dhulka Ku Dhigi Doono" Wasiir Ku Xigeenka Gaashaandhiga

    Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland Cabdi Daahir Cammuud, ayaa jawaab ka bixiyey hadal cadho lahaa oo Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe uu shalay warbaahinta u marayey, kaasi oo deba socday hadallo uu wasiir ku x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland Cabdi Daahir Cammuud, ayaa jawaab ka bixiyey hadal cadho lahaa oo Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe uu shalay warbaahinta u marayey, kaasi oo deba socday hadallo uu wasiir ku xigeenkani ugu duray Faysal.

War-saxaafadeed uu caawa Wasiir ku xigeenku warbaahinta soo gaadhsiiyey ayaa u dhignaa sidan "Waxaan warbaahinta ka daalacaday Faysal Cali Waraabe oo ii hanjabaaya,waxaanse aad ula yaabay ninkii lahaa u jawaabi maayo oo meeqaamkayga ayaanu ahayn Wasiir ku xigeenku oo haddana is xejin kari waayey.

Waxaan leeyahay Faysaloow wakhtigii dawladii Siyaad Barre miyaanad ahayn ninkii gurigiisii la xaraashay ee dawladii Siyaad Barre kuu xidhay xatooyo xoola dadweyne ka dib markii baadhitaan dheer lagugu helay xatooyo xoolo dadweyne ama lunsasho hanti qaran, adiga oo ka shaqeeya wasaarada hawlaha guud ee Muqdusho.

Faysaloow miyaanad ahayn saaqidkii loo galay imtaxaanka markii aad tagaysay ruushka ee aad Engineerin-ka soo baranaysay ma adiga oo shakhiyadda noocaas ahaa ayaa aniga ii hanjabi kara, waxaan hubaa in haddii aad I soo doonato aan dhulka ku dhigi doono.

Waxaa kale oo aan ummada Somaliland u sheegayaa in Faysal Cali Waraabe uu kamidyahay shakhsiyaadka loo soo diray Somaliland inuu baa’biiyo,waxaana kuu cadaynaya shirarkii uu ka qayb galay ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya in uu had iyo jeer sheegi jiray waxyaabaha ay gaar uga shiraan weftiga Somaliland uuna gaadhsiin jiray sirtaasi weftiga ka socda Soomaaliya taasina aan hayno cadaymo badan oo ku filan wakhtiga loo baahdo qaarna lagaba sii daayey warbaahinta iyo TV-yadda kuwa kalena ay qarsoon yihiin. balse aan la sugayno wakhtiga loo baahdo.

Waxaa kale oo aanu ummada u sheegaynaa in Faysal ka mid yahay dadka khatarta ku ah nabadgelyada had iyo jeerna uu la fikir yahay dadka Somaliland ka soo horjeeda,waxa kuu cadaynaya mawqifka ay iska taageen xayiraada lagu soo rogay UNIVERSAL TV oo runtii ka shaqeeyey wax laga yaq-yaqsoodo oo ah inuu aflagaadeeyo Madaxweynihii qarankan hogaaminayey.

Waxaa iyana marag madoon ah inuuTV-yadaka sii daayey hadalo kicin dadweyne kuwaasi oo iyagana markhaatigooda la hayo balse aanay cid dheg u dhigin waayo waa waxaa lagu bartay naxliga iyo reernimada uu sheegto had iyo jeer sida reer Hargeysa ayaan ahay Hargeysa ha laga baxo, la igu xukumi maayo Hargeysa, la iigu hanjabi maayo Hargeysa iyo kuwa kale oo baroor iyo naf-lacaarinimo ah.

Hadaba, Waxaasi oo odhaaha waxaa ay ka mid yihiin naxliga Faysal Cali Waraabe uu ummada ku kala faqooqayo isaga oo sheeganaya inuu mas’uul xisbi haysta yahay. waxaan ku leeyahay xisbina ma haysatide’ oo way u dhamaatay UCID’e ummada ka fadhiiso, cid aan is idhaa waa ay celin kartaana ma jirto oo lagaaga dacwoonayaa waayo cid uu maqlayo ayaaban jirin.

Waxay ummadu ka dheregsan tahay in xukuumadani tahay xukuumaddii horumarka kana soo baxday buugii cagaaraa ee ay ku qortay balan-qaadkeedii wakhtigii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku jiray ololihii doorashadii Madaxtooyadda ee dalka ka dhacday 26-kii Bishii June 2010-kii.

Waxaa kale oo ummaddu ka dheregsan tahay in siyaasadda arrimaha dibadu ay kor u kacaday tan iyo intii xukuumadani la wreegtay xilka,waxaa intaasi dheer horumarka wadooyinka dalka oo si xawli ah u socda, dhaqaalihii oo la xafiday isla markaana loo sameeyey nidaam dawli ah oo la iska dhaxli doono mustaqbalka. Bal hadaba Faysalow Cali Waraabow maxaad adigu dalka tartay ee aan ahayn naxli iyo aflagaado aan joogsi lahayn kala dil dadka walaalaha ah iyo ma gudbenimo siyaasadeed oo aad labaatan sano la soo taagan tahay.

Waxaan u soo jeedin lahaa dadka leh xisbi baanu la leenayahay Faysal in ay ku biiraan xisbiyada kale inta aanu wakhtigu idinka lumin.Haddiise aad isku eegtaan tallo xumaalaha in aydaan geedkaa muuqda gaadhayn ayaan idiinku dardaarayaa.

Guntiii iyo gabagabadii waxaan leeyahay Faysal Cali Waraabe marka aad hadasho labaatan jeer ayaan aniga hal mar wax kugu idhaa waxaasi oo ah wax run ah oo aanan been ka sheegayn maxaad la gubataa adiguba waadiga intaasi oo jeer ku hadlaaya aflagaadada,ceebaynta madaxtooyada eedaha Golaha Wasiirrad, ma waxaad doonaysaa in aad adiga uun wax caydo waxna aad aflagaadayso jawaabtu waa haa soo ma aha. Taasna lagaa yeeli maayo waa lagula hadli oo waa laguu jawaabi oo waa lagula dagaalami doonaa ee u diyaar garow.Waxaa kale oo aan kuu sheegayaa in xukuumadani tahay xukuumadii dul-qaad badan waayo adiga oo kale xiliganba islamaydaan soo gaadheen.

Sidaasidarteed, waxaan ummada reer Somaliland uga digayaa in ay dhegaystaan ma gudbayaasha siyaasada oo Faysal kow ka yahay.waxaa kale oo aan kuu sheegayaa Faysaloow in mar kasta oo aad hadashana aan hadli doono oo inta aad tidhaa aniguna aan jawaabta aad mudan tahay ku taabsiin doono”