Brandao Oo Lagu Xukumay Hal Bil Oo Xabsi Ah Ka Dib Markii Uu Herdiyay Thiago Motta.

0
Friday November 28, 2014 - 10:48:33 in by Burco Office
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Brandao Oo Lagu Xukumay Hal Bil Oo Xabsi Ah Ka Dib Markii Uu Herdiyay Thiago Motta.

    Weeraryahanka Bastia Brandao ayaa lagu xukumay hal bil oo xabsi ah ka dib markii uu herdiyay xiddiga khadka dhexe ee PSG Thiago Motta, laakiin xiddiga reer Brazil ayaa laga yaabaa inuusan wax waqti ah ku qaadanin xabsi dhexdiisa. 34 jirkaan weerarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka Bastia Brandao ayaa lagu xukumay hal bil oo xabsi ah ka dib markii uu herdiyay xiddiga khadka dhexe ee PSG Thiago Motta, laakiin xiddiga reer Brazil ayaa laga yaabaa inuusan wax waqti ah ku qaadanin xabsi dhexdiisa. 34 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa khamiistii lagu helay danbi ah inuu jirdilay xiddiga Talyaaniga kulankii Parc des Princes ka dhacay bishii August 16keeda ee horyaalka Ligue 1.


 

Nadaxa maxkamada sixitaanka Paris ayaana Brandao ku xukumay inuu muddo bil ah xabsi galo islamarkaana uu bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya 20 kun euros, laakiin waxa uu intaas ku daray in heshiis la gaari karo oo keeni karta in ciyaaryahanka ka fogaado wax xabsi ah taas bedelkeedana uu qabto shaqo dadweyne sida inuu xaaqo muddo wadooyinka iyo meelaha dadka isagu yimaadaan.

Dhacdadaan ayaa dhacday markii PSG ay 2-0 kaga badisay Bastia, waxaana qabatay kaamirooyinka iyadoo Brandao uu tunnel-ka dhexdiisa ku sugayay Thiago Motta inuu soo galo ka hor inta uusan ku qeylinin ka dibna herdinin xiddiga khadka dhexe.

contact@afkashacabka.com