Gabadh ka sheekaysay Qiso Murugo Badan oo ku saabsan Nin wada jeclaaday iyada iyo Hooyadeed

0
Friday November 28, 2014 - 14:39:01 in by Burco Office
  • Visits: 3279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh ka sheekaysay Qiso Murugo Badan oo ku saabsan Nin wada jeclaaday iyada iyo Hooyadeed

    Gabadh u dhalatay dalka Kenya ayaa ka sheekeysay waayeheeda nololeed iyo jacayl guuldareystay oo ay la yeelatay nin ay si weyn isu jeclaayeen oo aaney magiciisa sheegin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadh u dhalatay dalka Kenya ayaa ka sheekeysay waayeheeda nololeed iyo jacayl guuldareystay oo ay la yeelatay nin ay si weyn isu jeclaayeen oo aaney magiciisa sheegin.


Waxay sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ay nin ay saaxiibo ahaayeen ugu yeedhay in uu gurigeeda yimaado si ay isu bartaan hooyadeed.

Waxay sheegtay in uu guriga yimi oo uu la kulmay hooyadeed, isaga oo wixii wakhtigaa ka danbeeyey bilaabay in uu khiyaameeyo iyada ka dib markii uu la saaxiibay hooyadeed.

 

unnamed

Gabadhan oo qisada soo martay ay tahay mid aad u murugo badan misana lid ku ah dhaqanka wanaagsan ayaa sheegtay in ninkani uu khiyaameynayey intii mudo ahayd, waxay intaasi ku dartay in hooyadeed ay isaga uur u leedahay kaas oo soo shaac baxay markii ay iyada lafteedu ogaatay in ay uur u leedahay ninkan.

Waxay sheegtay in sheekadani ay iyada si weyn u ruxday, iyada oo si qiiro leh u muujisay dareenkeeda ku aadan sida ay labada qof ee ay dunida ugu jecleyd u khiyaameeyeen.

Gabadhani wakhtigan waxay dareemeysaa murugo aad u farabadan iyada oo sida ay sheegtay aan garaneynin wax ay ka sameyso arintan iyo sida ugu dhow ee ay u xallin karto. 




Contact@afkashacabka.com