Wacdaraha Bandhig Suugaaneedkii Cawaale Deeqsi iyo Habeenkii Murtida Hargeysa +SAWIRO

0
Monday December 01, 2014 - 09:16:35 in by salman abdi
  • Visits: 1594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wacdaraha Bandhig Suugaaneedkii Cawaale Deeqsi iyo Habeenkii Murtida Hargeysa +SAWIRO

    Abwaan Cawaale ismaaciil Saleebaan (Cawaale Deeqsi) oo ka mid ah Hal-Abuurada Somaliland oo ah Abwaan aad u da"yar isla markaana ka mid ah Ardayda Wax ka barata Jaamacada Golis Ee Caasimada Hargeysa ayaa Habeenkii xaley Hotel Maansoor ee Magaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan Cawaale ismaaciil Saleebaan (Cawaale Deeqsi) oo ka mid ah Hal-Abuurada Somaliland oo ah Abwaan aad u da"yar isla markaana ka mid ah Ardayda Wax ka barata Jaamacada Golis Ee Caasimada Hargeysa ayaa Habeenkii xaley Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ku soo Bandhigey Qaar ka mid ah Suugaantiisa,

Munaasibadan Bandhig Suugaaneedka Cawaale Deeqsi ayaa waxaa ka soo qayb galeyMadaxdhaqameed,Culimo awdiin,aqoon yahano,Qorayaal,Suxufiyiin,Ardayda waxka Barata Jaamacadaha kala duwan ee Dalka iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan

Bandhig Suugaaneedkan ayaa Hal ku dhigiisuahaa ABWAAN CAWAALE DEEQSI”IYO HAWRAAR MURTI LEH

Abwaan Cawaale Deeqsi ayaa Munaasibadan ku soo bandhigey Suugaan kala Duwan oo aad u soo jiidatay Bulshadii ka soo qayb gashay

Ayaa waxaa Munaasibadan Hadalo Dhiiri galin ah ka jeediyey Abwaan Jaamac Gaashaan Cade oo Abwaan Cawaale ku amaanay Suugaanta kala duwan ee uu soo badhigay isagoo tilmamay in ay aad u soo jeedatay suugaanta iyo Hal-Abuurnimada Abwaan Cawaale Deeqsi.waxaanu yidhi:”waxaa ugu adag laga Gabyaa waa yadda "Afsomaaligeeduba waa wax yar oo kooban”ninka yada ka gabyaa waa Abwaan aan la gaadhi Karin”ayaa uu yidhi Abwaan Jaamac Gaashaan Cade

Waxaa isnaBandhigan ka Hadley Dr.Xujaaleoo Abwaanka ku Bogaadiyey Suugaantan kala Duwan ee uu caawa (Habeen)Hore Daaha ka Rogey

Waxaa isna Munaasibadan Hadal Dardaaran iyo Ducaba iskugu jira ka jeediyey Suldaan Abu-Sufyaankaasi oo Abwaan Cawaale Deeqsi kula dardaarmay in ay Suugaantiisu ku salaysnaato Maslaxada Diinta islaamka iyo dalkiisa iyo dadkiisaba Suldaan Abu Sufyaanwaxaa hadaladiisii ka mid ahaa "Abwaan Cawaale Deeqsi Ta aanu uga Baahnayn waa Taa in uu noqdo Abwaan iimaan Qaba”Abwaanleh Dhaqan Toosan”Abwaan illahay Swc ku xidhan”maaha in uu noqdo Abwaan Qabyaalad ku Gabya oo dadka kala Qaybiya ”Cawaale Deeqsi waa in uu ahaadaa Abwaan waxaa ka soo baxyaa uu ku miisaaman yahay Maslaxada Diinta islaamka iyo dalkiisa iyo dadkiisa”Taasaan kula dar-daarmayaa Cawaale Deeqsi "Ayuu yidhi Suldaanku




Contact@afkashacabka.com