Booliska Laascaanood Oo Rasaas Ku Kala Dareeriyey Dad Mudaharaad Dhigayey iyo Mudaharad kale oo Shalay Ka Dhacay Borama

0
Tuesday December 02, 2014 - 12:38:07 in by salman abdi
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Laascaanood Oo Rasaas Ku Kala Dareeriyey Dad Mudaharaad Dhigayey iyo Mudaharad kale oo Shalay Ka Dhacay Borama

    Allaah ha u naxariistee waxa habeen hore Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ee Somaliland lagu dilay Khadar Colaad oo ka mid ahaa Ciidamo boolis ah oo ilaalinayey bar kaantarool oo ku taalla bariga Magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaah ha u naxariistee waxa habeen hore Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ee Somaliland lagu dilay Khadar Colaad oo ka mid ahaa Ciidamo boolis ah oo ilaalinayey bar kaantarool oo ku taalla bariga Magaaladaasi.

Ka dib markii Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda la baxday Khaatumo ay weerar gaadmo ah ku qaadeen halkaasi, sida uu sheegay Maamulka Gobolkaasi.


Askarigan oo shalay lagu aasay Magaalada Laascaanood ayaa wuxuu ku dhintay weerarka Maleeshiyaadka Khaatumo ku qaadeen Kaantaroolka dhanka bariga ka xiga Laascaanood oo uu ku sugnaa xilliga weerarku dhacay, waxaana sida maamulka Gobolkaasi sheegay uu askarigaasi geeriyooday isaga oo iska difaacaya weerarka Maleeshiyaadkaasi.

Badhasaabka Gobolka Sool, Maxamed Axmed Cali oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Somalilandtoday, ayaa faahfaahiyey sida uu u dhacay dilka askarigaa ka tirsanaa booliska iyo Mudaharaad shalay ka dhacay Magaalada Laascaanood.


Badhasaabka Sool oo ugu horeyn ka hadlaya dilka askariga booliska ka tirsanaa ayaa yidhi "Niman gaadmo ah ayay ahaayeen (Maleeshiyaadka Khaatumo), rasaas ay soo rideen ayaa waxa ku dhintay askari ka tirsanaa booliska oo gaadh ka hayey Kaantaroolka bariga ka xiga Magaalada Laascaanood, cid kalena waxba kuma noqonin, mushkilad kalena ma dhicin, waayo dib bay ugu yaaceen halkii ay markii horeba ka soo baxeen, wakhtiguna habeennimo ayuu ahaa”


Badhasaabka oo wax laga waydiiyey waxa uu ka dhashay Mudaharaadkii shalay ka dhacay Magaalada Laascaanood ayaa sheegay inay mudaharaad sameeyeen haween uu sheegay inay diidanaayeen in ciidanka boolisku aaso Askariga dhintay "Magaalada Laascaanood waxa ka dhacay, Dumar lagu tuurey borobagaando ayaa yidhi la qaadi maayo (maydka) askariga dhintay oo ciidankiisii doonayeen inay aasaan, dabadeedna booliska ayaa rasaas ku furay dadkii (Si ay u kala kexeeyaan), buuqii halkaa ka dhashay awgeed ayaa dadkiina dhagaxaan ku tuureen (Booliska), markaa waxoogaa Mudaharaad ah ayaa ka dhacay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey in dadka Mudaharaadey ay diidanayeen in Maamulka Gobolka Sool aaso Maydka askariga ku dhintay weerarka kooxda Khaatumo lagu eedeeyay "Dadka soo baxayna waxay ka xanaaqsanaayeen Maydka dawladda ayaa aaseysa, waxayna lahaayeen annaga ayaa aasaneyna, markaa taasi ayaa la isku qabtey”


Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay "Markii dawladdu aastey Askarigii dhintey ayaa waxoogaa Buuq (Mudaharaad) ah keenay, laakiin askarigiina si wanaagsan ayaa loo aasay…qoladii (Weerarka soo qaadeyna) ciidanka qaranka oo awalba u xil-saarnaa ayaa ka deba tagey” ayuu yidhi,


Dhinaca kale, Ciidamada ammaanka ee Magaalada Borama ayaa shalay ka hor-tagay Mudaharaad rabshado watay oo ay iskugu soo baxeen dad u badnaa dhallinyaro, kuwaasi oo ka cadhaysnaa xadhigga Maayarkii hore ee Magaaladaasi, Cabdi Shide Bile.


Ciidamada ayaa Rasaas ku kala dareeriyey dhallinyarada iyo haween diidanaa xadhigga Maayarkii hore ee Magaalada Borama, kaasi oo ciidamada ammaanku ay habee hore xidheen, inkasta oo aan la ogeyn ujeeddada xadhiggiisa.


Dadka Mudaharaadayey oo Waddooyinka Magaalada qaarkood ku gubay taayiro, ayaa ciidamada boolisku qaarkood xabsiga u taxaabeen, waxaana dadka la xidhay ku jira dhallinyaro rag iyo dumar ah, kuwaasi oo qaarkood la qabqabtey wakhtigii uu mudajaraadku socday.
Mudaharaadkan oo rabshado watay ayaaney ka dhallaan wax khasaare nafeed ah, sida uu sheegayo Badhasaab ku xigeenka Gobolka Awdal, ahna ku simaha Guddoomiyaha gobolkaasi, Cabdiraxman Xaaji Nuur Sugaal oo xalay khadka telefoonka ugu waramay.Wargeyska Madaxa-banaan ee Somalilandtoday.
Badhasaab ku xigeenka Gobolka Awdal oo xilliga aanu la xidhiidhnay sheegay inuu ku jiro shir lagaga hadlayo sidii xaaladda loo dejin lahaa, ayaa isaga oo ka hadlaya Mudaharaadkii shalay waxa uu yidhi "Wax Dhibaato ahi kama dhicin Magaalada, Mudaharaadka mooyaane, dadweynaha iyo ciidanka (booliska) midna wax ma qabo”
Badhasaab ku xigeenku waxa kale oo uu faahfaahiyey waxay ka gadoodeen dadka Mudaharaadka ka dhigay Magaalada Borama "Wuxuu ka kacay Mudaharaadku, Maayarkii hore ee Cabdi Shide Bile oo la xidhay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey oo uu ku dooday in dadka Mudaharaaday ay ahaayeen oo kaliya qoyska Maayarka hore ee la xidhay iyo eheladiisa "Dadka Mudaharaadey waxay ahaayeen Ehelada Maayarkii hore ee la xidhay”


Ku simaha badhasaabka Awdal, Cabdiraxmaan Xaaji Nuur Sugaal waxa kale oo uu sheegay in dadkii la xidhay xilligii Mudaharaadka la soo deynayo "Dad dhallinyaro ah oo la xidhay way jiraan, laakiin waalla soo deynayaa” ayuu yidhi, waxaanu hadalkiisa raaciyey "Maayarkii hore-na weli wuu xidhan yahay”




  Contact@afkashacabka.com