Daacish oo Gacanta ku dhigay Haweenay Israail u dhalatay oo Dagaal kala so Horjeeday

0
Tuesday December 02, 2014 - 13:39:38 in by salman abdi
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacish oo Gacanta ku dhigay Haweenay Israail u dhalatay oo Dagaal kala so Horjeeday

    Xoogaga Islaamiyiinta Daacish ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen Haweeney heesata Dhalashada Israa'il iyo Dalka Canada, taa oo ka bar bar dagaalameysay Xoogaga Kurdiyiinta ee dagaalka kala horjeeda Kooxda Daacish.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Islaamiyiinta Daacish ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen Haweeney heesata Dhalashada Israa'il iyo Dalka Canada, taa oo ka bar bar dagaalameysay Xoogaga Kurdiyiinta ee dagaalka kala horjeeda Kooxda Daacish. Haweeneyda gacanta u gashay Kooxda Daacish ayaa horey uga mid aheed Ciidamada Yahuuda Israa'il , waxa ayna noqotay Haweeneydii ugu horeesay oo Reer Galbeed ah ee ku biirta Xoogaga Kurdiyiinta ee Dagaalada kula jira Kooxda Daacish.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Gill Rosenberg ayaa go'aansatay in ay ku biirto xoogaga Kurdiyiinta ee dagaalka kala horjeeda Daacish, waxa ayna haweeneydan marar badan barteeda Facebooka soo dhigtay sawiro ay isaga soo qaaday furumaha dagaalka iyada oo ka bar bar dagaalameysa Dagaalyahanada Kurdiyiinta.

Dowlada Canada ayaa sheegtay inay baaritaan ku wado warka ay baahiyeen Xoogaga daacish ee la xariira in ay gacanta ku dhigeen Haweeneedan heesata Dhalshada Dalkeeda iyo tan Israa'il.

Dalalka kuyaala Yurub iyo Mareykanka waxaa ka tagay dad doonayay in ay ku biiraan Xoogaga Kurdiyiinta ee dagaalka kala horjeeda Kooxda Daacish, hasa ahaatee haweeneydan Daacish gacanta ku dhigtay ayaa noqoneysa qofkii ugu horeeyay oo reer galbeed ah oo lagu qabto Dagaalada kasocda Ciraaq iyo Siiriya.














































































Contact@afkashacabka.com