Ururka SOFHA Oo Tartan Ciyaareed Ku Xusay Maalinta AYDHISKA Ee Adduunka

0
Tuesday December 02, 2014 - 13:48:49 in by salman abdi
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka SOFHA Oo Tartan Ciyaareed Ku Xusay Maalinta AYDHISKA Ee Adduunka

    Ururka wadaniga ah ee SOFHA ayaa maalintii shalay oo ku beegnayd maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay cudurka HIV/AIDS si weyn u xusay, taas oo kulan ciyaareed kubadda cagta ah kaga qeyb-qaatay doorka dhallinyarta looga wacyi-gelin lahaa xanuunkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka wadaniga ah ee SOFHA ayaa maalintii shalay oo ku beegnayd maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay cudurka HIV/AIDS si weyn u xusay, taas oo kulan ciyaareed kubadda cagta ah kaga qeyb-qaatay doorka dhallinyarta looga wacyi-gelin lahaa xanuunkan.


Kulan ciyaareedkan xuska ah ayaa ka qabsoomay garoonka weyn ee Hargeisa Stadium waxaana ka soo qeyb-galay masuuliyiin ka socday ururka SOFHA, Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, guddoomiyaha Olombikadda, guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta, maamulka labada kooxood iyo dadweyne aad u tiro baddan. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Madaxa Mashaariicda ururka SOFHA Mr. Cabdifataax Mahad Qaasim, waxaana uu xusay inay urur ahaan ay xuska maalinta AIDS-ka adduunka ay kaga qeyb-qaadanayaan sidii dhallinyaradda looga wacyi-gelin lahaa aafadda uu xanuunkani leeyahay waxaana hadaladiisi ka mid ahaa "Waxaan ka urur ahaan aanu door muhiim ah u aragnay in dhallinyaradda laga wacyi-geliyo xanuunka AIDS-ka, waxaana maanta oo ah 1-da December oo maalinta AIDS-ka ah aanu kulankan kaga qeyb-qaadanaynaa inaanu ku xusno maalintan oo dhallinyaraddu door muhiim ah ka qaadato ka hor-tagay xanuunkan, waxaana ka urur ahaan noo qorshaysan inaanu sii balaadhino wacyi-gelinta xanuunkan taas oo bulshada ugu gudbino sida looga hor-tegi karo iyo sida la iskaga ilaalin karo, waxaana jira dad xanuunkan la nool markaas waxaa inagu waajib ah maadaama xanuunka uu ilaahay keeno inaan la takoorin” ayuu hadalkiisi ku soo koobay.

Waxaa sidoo kale halkaasi iyaguna ka hadlay guddoomiyaha Olombikada Xasan Waraabe-Cadde, guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal) waxaana ay xuseen dhibaatada xanuunkan iyo sida looga wacyi-gelin karo dhallinyarada, waxaana ay ururka SOFHA uga mahad-naqeen inay garteen in dhallinyaradda laga wacyi-geliyo wax baddan looga sheego xanuunkan.
Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye, waxaana uu ururka SOFHA uga mahad-celiyay kulan ciyaareedkan ay kaga qeyb-qaateen doorka dhallinyaradda looga wacyi-gelinayo xanuunka waxaana hadaladiisi ka mid ahaa "Waxaan ugu horeyn ururka wadaniga ah ee SOFHA uga mahad-celinayaa inay kulankan soo qaban-qaabiyaan iyaga oo ugu talo-galay inay kaga qeyb-qaataan xuska maalinta AIDS-ka adduunka, waxaynu ognahay sida ba’an ee uu AIDS-ku dunida u aafeeyay runtii waxaanu ka wasaarad ahaana nooga qorshaysan talaabooyin baddan oo aanu guud ahaan dhallinyarada dalka kaga wacyi-gelinayno”.

Kulankan lagu xusayey maalinta AIDS-ka ee ururka SOFHA qabtay ayaa waxaa wada ciyaaray labada kooxood ee wasaaraddaha Duulista iyo Hawada iyo Xanaanadda Xoolaha, waxaana rigoolayaan ay guushu ku raacday kooxda Duulista iyo Hawadda, waxaana halkaas koobabkii kaalinta koowaad iyo labaad ku guddoonsiiyey Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha. 



Contact@afkashacabka.com