Midowga Yurub oo ka Hadlay ansixinta Komishanka Qaranka Somaliland.

0
Tuesday December 02, 2014 - 15:31:28 in by salman abdi
  • Visits: 607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub oo ka Hadlay ansixinta Komishanka Qaranka Somaliland.

    Midowga Yurub, gaar ahaan xafiiska qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya, ayaa soo dhaweeyay ansixinta guddiga cusub ee doorashada oo ay golaha wakiiladu Sabtidii toddobaadkan cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen toddobada xubnoodba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowga Yurub, gaar ahaan xafiiska qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya, ayaa soo dhaweeyay ansixinta guddiga cusub ee doorashada oo ay golaha wakiiladu Sabtidii toddobaadkan cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen toddobada xubnoodba. Ergayga Midowga  Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Michele Cervoned’Urso ayaa qoraal kooban oo uu geliyay bartiisa twitterka, wuxuu ku sheegay in Midowga Yurub taageeri doono guddiga cusub ee doorashooyinka. "Soo dhawaynta ansixinta gudiga cusub ee doorashooyinka Somaliland. Midowga Yurub wuxuu u taageeri doonaa guddiga cusub ee doorashada hay’adda ugu muhiimsan qabashada doorashada 2015.” Ayuu yidhi ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya.

Beesha caalamka ayaa si weyn dabada uga riixaysay in la meel mariyo guddiga cusub ee doorashooyinka qaranka, waxaanay ansixinta guddiga cusub ku xidheen dardargelinta deeqaha hawlaha doorashooyinka oo ay ugu horayso bilowga diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo muhiim u ah doorasho xor iyo xalaal ah oo wadanka ka qabsoonta.

Xisbiyada mucaaradka ayaa aaminsan inaanay xukuumadu daacad ka ahayn doorasho wadanka ka qabsoonta bisha June ee sannadka soo socda ee 2015, halka uu Madaxweyne Siilaanyo dhawr goor cadeeyay inuu doorashooyinka ku qaban doono wakhtigii loogu tallo galay, isagoo dhawr munaasibadood ka balan qaaday inaan maalin loogu dari doonin wakhtigii loo doortay hoggaaminta wadanka oo ku eeg bisha June ee sannadka soo socda.

Waxa laakiin ay bulshada Somaliland isha ku haysaa sida uu Madaxweyne Siilaanyo uga dhabeeyo balan qaadkiisa ah inuu doorashooyinka ku qaban doono wakhtigii loogu tallo galay oo aanu muddo kordhin dalban doonin, iyadoo ay shacabku maanka ku hayaan sidii adkayd ee uu Madaxweyne Rayaale uga hor-iman jiray wakhtiyadii muddo kordhinta loo sameeyay.




Contact@afkashacabka.com