Shaqalaha La Dagaalanka Dabka Ee Madaarka Caalamiga Ah Ee Cigaal Oo Tababar Loo soo Xidhay, Dhoola Tusna Sameeyey+ Sawirada

0
Tuesday December 02, 2014 - 22:13:55 in by salman abdi
  • Visits: 793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqalaha La Dagaalanka Dabka Ee Madaarka Caalamiga Ah Ee Cigaal Oo Tababar Loo soo Xidhay, Dhoola Tusna Sameeyey+ Sawirada

    Qaybta dabdamiska ee madaarku muhuiimad weyn ayey ugu fadhidaa garoonka ,taas oo ah badbaadada iyo bad qabka madaarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybta dabdamiska ee madaarku muhuiimad weyn ayey ugu fadhidaa garoonka ,taas oo ah badbaadada iyo bad qabka madaarka



 Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo faahfaahin ka bixiyey Tabar mudo sadex bilood ah u socday hawlwadeenadadab-damiska ee madaarka caalamiga ah ee Cigaal oo shalay la soo gabagabeeyey.

Xidhitaanka tababarkan ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Md. Cumar Cabdilaahi Aadan, khabiirka tababarka bixinaayey ee ka socday hay’adda duulimaadyada u qaabisan qaramada midoobay ee ICAO. Mr. wellyam, Maamulaha madaarka, iyo masuuliyiin kale.

Hawlwadeena la tacaalida dabka ayaa goobtaas ku soo badhigay awooda ay u leeyihiin bakhtiinta dabka iyagoo bakhtiiiyey dab si ku talo gal ah loo shiday, dabkaas oo ahaa 100 (Boqol) taayar, waxay ku bakhtiiyeen Labaadhan Ilbidhiiqsi.

 


Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "Waxaanu maanta halkan ku soo khatinay tababar u socday shaqaalaha madaarka qaybta dabdamiska oo u socday muddo sadex bilood ah, shaqaalahaas oo gaadhaya 14 shaqaale ah oo uu wax baraayey khabiir ajnab ahi, tabaabrkan oo ahaa wajigii labaad ee la siiiyey shaqaalahan.”

"Waxay hawlwadeenadaasi galabta halkan ku soo bandhigeen xirfadooda iyo aqoonta ay u leeyihiin la tacaalida dabka, waxaanay bakhtiiyeen dab si ku talo gal ah loo shiday, dabkaas oo ahaa taayiro la gubay oo u dhigmaayey diyaarad 24 ah, dabkaas oo baxaayey daqiiqado kooban ayey shaqaaluhu markiiba bakhtiiyeen looba bakhtiisi sidii laga filayey, waxaanay muujiyeen in ay si fiican uga faa’iidaysteen tababarkii u socday mudada.”

Maamule Maxamed Yuusuf ayaa sidoo kalena intaasi ku daray " Qaybta dabdamiska ee madaarku muhuiimad weyn ayey ugu fadhidaa garoonka ,taas oo ah badbaadada iyo bad qabka madaarka waana halbeegayaga labaad marka laga yimaado amaanka oo ah qaybta kowaad, waana waaxaha dib u habayanta iyo tayaaynta aanu mudoba ku wadnay wasaarad ahaan, ugu danbeyntii waxaan aad ugu faraxsanahay qaybta dabdamiska ee madaarku in ay tahay qayb u qalabayasan una tayaysan sidii ay dabka ula tacaali lahayad.” Ayuu yidhi Maxamed Yuusu


Contact@afkashacabka.com