Daawo "Markaan Qur'aanka Wax Ku Sheegayo Dad Badan Ayaa I Dhib-sadda, Waayo Qur'aanku Waa Shayga Ugu Weyn Ee Bini'aadamka...." Wasiir Samaale

0
Tuesday December 02, 2014 - 22:25:05 in by salman abdi
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo "Markaan Qur'aanka Wax Ku Sheegayo Dad Badan Ayaa I Dhib-sadda, Waayo Qur'aanku Waa Shayga Ugu Weyn Ee Bini'aadamka...." Wasiir Samaale

    Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in marka uu hadallaayo ee Aayaddaha Qur'aanka karriimka soo qaadanayo ay dad badani dhibsaddaan.Wasiirka waxa uu hadalkan ka sheegay Munaasibad l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in marka uu hadallaayo ee Aayaddaha Qur'aanka karriimka soo qaadanayo ay dad badani dhibsaddaan.Wasiirka waxa uu hadalkan ka sheegay Munaasibad loo qabtay Dhisme cusub oo Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadh-siintu dhisatay, waxaanu yidhi isagoo arrimahaas ka hadlaaya " Wan ogahay oo aadbaan u ogahay dad badan ayaa dhibsada markaan Qu'raanka wax ku sheegayo, sabatoo ah dad wada nool aynu nahay. Quraanka dad badan ayaa dhibsada. maxay u dhibsadaan? waxa loo dhibsanayaa Quraanku wax qofka Bilaadanka ah wax loogu sheego isagaa ugu weyn " FADAKIR BIL QUR'AANI MA YAKHAAFU WACIID" (ILAHAY quraanka wax ugu sheeg ayuu leeyahay cida wax qaadanaysa). markaad quraanka wax ku sheegayo ma odhanaysid anigaa sidaa ah, laakiin Quraanku Caqli iyo ficil ayuuu sheegayaa Umaddo ayuu ka hadlayaa, Umadadaas laga hadlayna ka mid ayaad tahay. kalkeed kaga aadan tahay ficilka noocaas ah iyo tallada noolcaas ah? Quraanka ayeynu waxa isukugu sheegaynaa waayo Umadd Muslimiin ah ayeynu nahay, ILAHAY wuxuu yidhi "(Marka quraanka wax loogu sheego dadka Muminiinta ah Qalbigaada raad ayuu ku sameeyaa iimaankuna wuu siyaadaa.)" Laakin Quraanku wuu dhibaa shadaadiinta waanu dilaa, waanay dhibsadaan khaqiiqdii, shaydaanku maaha ka jinka ah oo kaliyee mid Insi ahina wuu jireaa Sida ILAHAY Quraanka ku sheegay." Cabdiasis Maxamed Samaale Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland.



Contact@afkashacabka.com