Al-shabaab Oo Toddobaad Gudihii Xasuuqdey 64 Reer Kenya Ah, Masuuliyiintii Amniga Oo Iscasilay & Farriinta Afhayeenka Al-shabaab Xalay U Diray Uhuru Kenyata

0
Wednesday December 03, 2014 - 12:00:05 in by Burco Office
  • Visits: 778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab Oo Toddobaad Gudihii Xasuuqdey 64 Reer Kenya Ah, Masuuliyiintii Amniga Oo Iscasilay & Farriinta Afhayeenka Al-shabaab Xalay U Diray Uhuru Kenyata

    kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda 36 qof oo reer Kenya ah oo shalay subaxdii hore lagu xasuuqey gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda 36 qof oo reer Kenya ah oo shalay subaxdii hore lagu xasuuqey gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya;

gaar ahaan meel ku dhow magaalada Mandheera.

36-ka qof ee lagu dilay duleedka Magaalada Mandheera oo shaqaale ka ahaa meel laga qodo dhagaxa guryaha lagu dhiso, ayaa afar ka mid ah Madaxa laga jaray, halka inta kalena Madaxa laga toogtey ka dib markii si saf ah loo fadhiisiyey.
Dadka dhintay ayaanu ku jirin qof Muslim ah, waxaana la sheegay in kooxda Weerarka fulisay ay markii ay halkaasi gaadheen dadka u kala saareen Muslim iyo Kiristaan, ka dibna ay xasuuqeen 36-ka qof oo dhammaantood ahaan Masiixiyiin.

kenya-iyo-al-shabab-16_oct_2012

Al-shabaab ayaa War-saxaafadeed ay shalay soo saartay ku sheegtay inay weerarkan fuliyeen guuto gaar ah oo lagu Magacaabo (Saalax Al-Nebhan) "Dilkan waxaa fuliyay guuto gaar ah oo Al-shabaab ka tirsan oo magacoodu yahay ‘Saalax Al-Nebhan’ waxaana dilkan uu ahaa mid aan ugu aargudaynay muslimiin badan oo hore loogu dilay gudaha Kenya iyo Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Al-shabaab.
Weerarkan oo dhacay xilli hore oo shalay ah awgeed dadka la laayey ayaan helin wax gurmad ah oo uga yimaadda ciidamada ammaanka ee Kenya, sida uu sheegayo Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Maxamuud Cali Raage (Sheekh Cali Dheere) oo xalay ka hadlay weerarka kooxdooda ku dishay 36-ka qof "Kenyaanku ha dhadhamiyaan dhibka ay Muslimiinta ku hayaan, ILAAHAYNA wuu u fududeeyay Mujaahidiinta inay cadaabka dhadhansiiyaan” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Markii Mujaahidiintu dileen afartankaba cid u soo gurmatay ma jirin, ilaa Mujaahidiintu ay iskaga tageen, taanna ILAAHAY baanu ugu mahad celinaynaa”
Afhayeenka Al-shabaab waxa uu sheegay in weerarada soo noqnoqanaya ee ay ku hayaan Kenya ay ugu aargudanayaan dad Muslimiin ah oo uu sheegay inay Kenya ku laysay gudaha Soomaaliya iyo Kenya "Aargoosigu marar badan ayuu ku dhacay Kenya, kii ugu dambeeyay waxa uu xalay (Habeen hore) ka dhacay gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, waxayna Mujaahidiintu halkaa ku qabteen rag badan oo Nasaaro ahaa, ILAAHAYNA wuu u suurto-galiyey inay in ku dhow afartan ay halkaasi ku dilaan. Taasi macnaheedu waxa weeyaan in shacabka Kenya ee Wiilashooda (Ciidamadooda) u soo diray gudaha Soomaaliya, kuna faraxsanaa in dadka Muslimiinta ah la baa’biiyo, inay dhandhamiyaan mowdka iyo dhimashadu xanuunka ay leedahay…inay dhandhamiyaan dhibaatada lagu hayo dadka Muslimiinta ah”
Weerarka oo noqonaya kii labaad ee Al-shabaab ku layso dad badan, ayaa dartii uu Madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyata uu xilkii ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, Joseph Ole Lenku, iyadoo xilka uu sidoo kale xilkii iska-casilay taliyihii booliiska Kenya Jen. David Kimaiyo, Kenyattana uu sheegay inuu is-casilaadda ka aqbalay.
Joseph O Lenku ayaa lagu bedelay wasiir cusub, kaasoo lagu magacaabo, Joseph Nkaissery kaasoo uu madaxweynuhu ku sheegay inuu ka shaqeyn doono, inkastoo aanay jirin taliye lagu bedelay taliyihii booliiska Kimaiyo.
Madaxwayne Kenyata ayaa shalay shir deg-deg ah oo uu arrintan kala yeeshay hay’adaha ammaanka dalkiisa iyo golaha Wasiirrada xukuumaddiisa, ka dib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay "Diinta muslimka waa mid nabadeed, maaha sida ay Al-shabaab doonayso inay u isticmaasho” ayuu yidhi, Uhuru Kenyata oo ka hadlayey dilka loo geystay 36-ka qof, waxaanu intaasi ku daray "Weerarkan waa mid innaga oo dhan nagu wajahan, waana inaan u midownaa dagaalka lagula jiro argagaxisada”
Kenyatta ayaa sidoo kale wuxuu ku boorriyay hoggaamiyeyaasha muslimiinta ee dalka Kenya, waxgaradka deegaannada ay dilalku ka dhaceen iyo sidoo kale xubnaha mucaaradka ah inay qayb ka qaataan sugidda amniga Kenya iyo sidii looga hortegi lahaa weerarrada ay Al-shabaab ku soo qaadayso Kenya.
Laakiin, Afhayeenka Al-shabaab oo isna xalay ka hadlay is casilaadda Taliyaha booliska iyo xil ka qaadidda Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegay in aanay arrimahaasi waxba ka beddelayn hawl-gallada Al-shabaab "Markii weerarkani dhacay waxa ka dhashay inay is casilaan ninkii Booliska Kenya Madaxda ka ahaa iyo ninkii sheeganayey inuu masuul ka yahay arrimaha gudaha, waxaanu leenahay iscasilaaddoodu waxba kama beddeli doonto dagaalka, maxaa yeelay nimankaasi waxay ahaayeen ashkhaas, dagaalkuna wuxuu ka dhexeeyaa nidaam goostay inuu dadka Muslimiinta ah colaadiyo iyo mujaahidiinta oo difaacanaya Muqadasaadkooda iyo dadkooda” ayuu yidhi, Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere, waxaanu intaasi raaciyey "Dagaalku ma joogsanayo xitaa haddii Uhuru Kenyata uu iscasilyo, siyaasadda Kenyana ay sida ay tahay sii ahaato”