Marwada Koowaad Ee Qaranka Oo Booqatay Cisbitaalka Dhallaanka Ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh.

0
Wednesday December 03, 2014 - 13:06:54 in by salman abdi
  • Visits: 722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwada Koowaad Ee Qaranka Oo Booqatay Cisbitaalka Dhallaanka Ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh.

    Marwada koowaad ee Qaranka Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde ayaa shalay booqasho ku tagtay cusbitaalka Maxamed Aadan ee daryeelka carruurta ee magaalada Hargaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marwada koowaad ee Qaranka Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde ayaa shalay booqasho ku tagtay cusbitaalka Maxamed Aadan ee daryeelka carruurta ee magaalada Hargaysa


Booqashadan ay marwo aamina waris ku tagtay cusbitaalka ayaa muhiimadeedu ahayd indho indho ay ku samaynaysay hawlaha shaqo ee ka socda xaruntan caafimaad iyo waliba inay u mahad naqdo dawladda talyaaniga oo cusbitaalkan gacan ka gaysata iyo shaqaalahaba.

Ugu horaynna waxay marwadu ku dheeraatay dedaalka ay dawladda talyaanigu galisay cusbitaalkan iyo waliba inay ilaaliyaan dhalaalka iyo caruurta reer Somaliland sidoo kale waxay mahadnaq balaadhan u soo jeedisay shaqaalaha cusbitaalka iyo waliba dawladda Talyaaniga waxaanay ay hadalkeedas ku bilawday”Shaqaalaha reer Somaliland ee rag iyo dumarba leh ee hawshan wayn qabta, waad ogtihiin mashruucani waa mashruuc inagu qaali ah waad ogtihiin oo saaxiibadeenna talyaaniga dadaalka ay ku bixiyeen waad mahadsan tihiin ayaynu leenahay inaguna waynu ilaalinaya oo waynu la shaqaynaya oo qalbiga iyo laabta ayaynu kala shaqaynaynaa, Waxyaabah ay la damacsan yihiin ee soo socdaana waa wax aad inoo anfacaya haddi ay tababro tahay iyo dhallaankii oo la soo kordhinayo, dhallaanka iyo hooyaduna ma kala maarmaan, haddii dhallaanku inaga xumaadaan dalkeenu hore u mari maayo caruurtaas dhimanaysaana waa mustaqbalkeeni aynu waddankan uga tagi lahayn markaa idinkuna (Shaqaalaha) hawl fiican ayaad hayasaan aad iyo aad waan idiinku mahad naqayaa waanan idiin ducaynayaa” ayay tidhi Marwada Madaxwayanaha Somaliland oo ay booqashadeeda ku wehelinaysa wasiirk kuxigeenka wasaaradda.. 



Contact@afkashacabka.com