Kala Sareenta Hogaanka Gooldhalinta Premier League Halkan Akhriso

0
Thursday December 04, 2014 - 09:24:39 in by Burco Office
  • Visits: 2752
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kala Sareenta Hogaanka Gooldhalinta Premier League Halkan Akhriso

    Hogaanka gooldhalinta horyaalka Premier League waxba iskama bedelin ka dib markii la ciyaaray kulamadii 14aad ee horyaalka Ingariiska. Iyado Sergio Aguero uu sii dheereystay hogaanka gooldhalinta horyaalka ka dib markii xalayto uu labo gool ka dhali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaanka gooldhalinta horyaalka Premier League waxba iskama bedelin ka dib markii la ciyaaray kulamadii 14aad ee horyaalka Ingariiska. Iyado Sergio Aguero uu sii dheereystay hogaanka gooldhalinta horyaalka ka dib markii xalayto uu labo gool ka dhaliyay kulankii ay kooxdiisa 4-1 ku dardartay kooxda Sunderland, waxaana ay taasi ka dhigeysaa inuu 14 gool ku hogaaminayo gooldhalinta horyaalka Premier League. Waxaa ku soo xiga weli weeraryahanka Chelsea Diego Costa kaasoo ganaax kaga maqnaa kulankii xalayto ay Chelsea 3-0 kaga badisay Tottenham, waxaana uu weli leeyahay 11 gool. Kaalinta 3aad waxaa ku jira weli Alexis Sanchez oo hal gool ku darsaday goolashiisa ka dib markii uu noqday geesiga Gunners oo xalayto uu guul ku hogaamiyay kooxdiisa waqti danbe. Waxaana uu leeyahay sagaal gool.


Qeybaha kale ee hoose wax isbedel weyn ah kama dhicin, iyadoo kulamada sabtida, axada iyo isniinta la filan karo in isbedelo ay dhacaan marka la ciyaaro kulamada 15aad ee horyaalka Ingariiska, markaasoo Aguero uu fursad heli doono marka ay Man City soo dhaweyso Everton, halka Diego Costa uu ganaaxiisa ka soo laaban doono kulanka ay Chelsea booqan doonto kooxda Newcastle islamarkaana Alexis Sanchez uu fursad kale heli doono kulanka ay Arsenal martida u tahay kooxda Stoke City.

Kala Sareynta Gooldhalinta Premier League:

 
# Magaca Kooxda Goolasha
1 Sergio Agüero Manchester City 14
2 Diego Costa Chelsea 11
3 Alexis Sánchez Arsenal 9
4 Charlie Austin Queens Park Rangers 7
4 Saido Berahino West Bromwich Albion 7
5 Wilfried Bony Swansea City 6
5 Nacer Chadli Tottenham Hotspur 6
5 Romelu Lukaku Everton 6
5 Graziano Pellè Southampton 6
5 Diafra Sakho West Ham United 6
6 Papiss Demba Cissé Newcastle United 5
6 Christian Eriksen Tottenham Hotspur 5
6 Eden Hazard Chelsea 5
6 Mile Jedinak Crystal Palace 5
6 Wayne Rooney Manchester United 5
6 Leonardo Ulloa Leicester City 5
7 Mohamed Diamé Hull City 4
7 Steven Fletcher Sunderland 4
7 Danny Ings Burnley 4
7 Nikica Jelavic Hull City 4
7 Stevan Jovetic Manchester City 4
7 Juan Mata Manchester United 4
7 Steven Naismith Everton 4
7 Robin van Persie Manchester United 4

contact@afshacabka.com