War Deg Deg Ah Diyaarad Dagaal Oo Ciidnka Kenya Leeyihiin Oo Ku Burburtay Kismaayo iyo Iyo Al-shabaab oo Sheegtay in Ay Soo Rideen Iyo Al-shabaab oo Sheegtay in Ay Soo Rideen

0
Friday December 05, 2014 - 14:02:58 in by Burco Office
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Diyaarad Dagaal Oo Ciidnka Kenya Leeyihiin Oo Ku Burburtay Kismaayo iyo Iyo Al-shabaab oo Sheegtay in Ay Soo Rideen Iyo Al-shabaab oo Sheegtay in Ay Soo Rideen

    Ciidamada Difaaca Dalka Kenya Ayaa Xaqiijiyey In Mid Kamid Ah Diyaaradahooda Dagaalku Ay Ku Burburtey Hawada Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Jubada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Difaaca Dalka Kenya Ayaa Xaqiijiyey In Mid Kamid Ah Diyaaradahooda Dagaalku Ay Ku Burburtey Hawada Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Jubada Hoose.


  • Warka Ka Soo Abxay Ciidanka Kenya Ayaa Lagu Sheegey In Diyaaraddu Ka Soo Laabatey Degmada Jamaame Ee Jubada Dhexe Halkaas Oo Ay Duqeyn U Geystatey Ururka Al-Shabaab, Soo Laabashadii Diyaaradda Ayey Ku Timid Cilad Farsasmo Ayaa Lagu Yiri Warka Ay Soosaareen KDF.

    Warbiainxta KDF Laguma Sheegin Khasaaraha Ka Dhashey Burburka Diyaaradda Inta Uu Le’eg Yahay Iyo Askarta Ku Dhimatey.

    Al-Shabaab Oo Sheegtey

    Dhanka Kale Ururka Al-Shabaab Ayaa Sheegtey In Ay Soo Rideen Diyaarad Dagaal Oo Dalka Kenya Laga Lee Yahay, Waxaana Ay Sheegeen In Ay Ku Soo Rideen Meel U Jirta Kismaayo 50km.

    Nin Isku Magacaabey Sheikh Abdiasis Abu Muscab Oo Inta Badan Saxaafadda La Hadla Ayaa Sheegey In Diyaaradda Ay La Heleen Gantaal, Waxa Uu Sheegey In Diyaaraddu Maanta Ay Duqeysey Buulaguduud.

    Guddoomiayha Jubada Dhexe Ee Al-Shabaab Cabdiraxmaan Xudeyfi Ayaa Dhankiisa Sheegay In Ay Hayaan Burburkii Diyaaradda Iyo Meydka Pilotkii Wadey.

    Weerarka Diyaaradaha Kenya Dib Ugu Qaadeen Gobolada Jubada Dhexe Iyo Gedo Ayaa Imaanaya Kadib Markii Koox Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab Ay 36 Qof Ku Dileen Duleedka Mandheera Maalin Kahor, Waxaana Madaxweynaha Kenya Ku Dhaqaawey In Ay La Dagaalami Doonaan Argagixisada.

  • contact@afkashacabka.com