Somali U Dagaalamayay ISIS Oo Lagu Dilay Magaalada Kirkuuk Ee Dalka Ciraaq

0
Friday December 05, 2014 - 14:35:02 in by Burco Office
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somali U Dagaalamayay ISIS Oo Lagu Dilay Magaalada Kirkuuk Ee Dalka Ciraaq

    Khilaafada Islaamiga Ah Ee Ka Dagaalanta Dalalka Ciraaq Iyo Suuriya Ayaa Ku Dhawaaqday In Soomaali Ka Mid Ahaa Xoogagga U Dagaalama Lagu Dilay Dagaal Culus Oo Khamiistii Ka Dhacay Deegaanno Katirsan Gobolka Magaalada Ee Dalka Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafada Islaamiga Ah Ee Ka Dagaalanta Dalalka Ciraaq Iyo Suuriya Ayaa Ku Dhawaaqday In Soomaali Ka Mid Ahaa Xoogagga U Dagaalama Lagu Dilay Dagaal Culus Oo Khamiistii Ka Dhacay Deegaanno Katirsan Gobolka Magaalada Ee Dalka Ciraaq.

  • Kooxda Daacish Ayaa Soo Dhigay Baro Taageera Warbixin Iyo Sawiro Lagu Xaqiijinayay Dilka Wiilkan Soomaaliga Ah Ee U Dagalaamayay Kooxda ISIS; Kaasoo Magciisa Lagu Soo Koobay, Abuu Muusa Al-Somali.

    Wiilkan Soomaaliyeed Ayaa Baraha Internet-Ka Ee Taageera Kooxdan Waxaa Lasoo Dhigay Isagoo Kitaabka Qur’aanka Akhrisanaya Ka Hor Intii Aan Lagu Dilin Dagaal Culus Oo Kirkuuk Ku Dhaxmaray Xoogagga Daacish Iyo Maleeshiyaad Ka Tirsan Kooxda Bashmarka Oo Dagaal Kula Jira ISIS.

    Dagaalyahannada Kooxda Islaamiga Ah Ee ISIS Ama Daacish Ee Dalalka Ciraaq Iyo Suuriya Ka Dagaalama Ayaa Waxaa Ka Mid Ah Tiro Dhallinyaro Soomaaliyeed Ah Oo Wiilal Iyo Gabdho Isugu Jira, Kuwaasoo Qaarkood Ka Barbar-Dagaalama Kooxdan Islaamiyiinta Ah.

    Ma Ahan Markii Ugu Horraysay Oo Dhallinyaro Soomaaliyeed Lagu Dilo Ciraaq Iyo Suuriya Oo Ay Kooxdan Ka Dagalaanto, Waxaana Kooxdan Ay Horay Uga Dhawaajisay Inay Ka Go’an Tahay Inay Dalalka Ciraaq Iyo Suuriya Ka Hir-Geliso Dowlad Islaami Ah

  • contact@afkashacabka.com