Dalka Maraykanka Oo Ay Wali Ka Socdaan Banaanbaxyo Waa Weyn Oo Lagaga Soo Horjeedo Dilka Nin Madow Ah.

0
Friday December 05, 2014 - 23:45:32 in by salman abdi
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Maraykanka Oo Ay Wali Ka Socdaan Banaanbaxyo Waa Weyn Oo Lagaga Soo Horjeedo Dilka Nin Madow Ah.

    Kumanaan ruux ayaa habeenkii labaad banaan bax ka dhigaya magaalooyinka Mareykanka, kadib markii ay dadkan ka caroodeen dilka Nin madow ahaa oo uu dilay oaskari Cadaan ah oo ku sugnaa magaalada New York.Boqolaal qof

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan ruux ayaa habeenkii labaad banaan bax ka dhigaya magaalooyinka Mareykanka, kadib markii ay dadkan ka caroodeen dilka Nin madow ahaa oo uu dilay oaskari Cadaan ah oo ku sugnaa magaalada New York.Boqolaal qof


 

 ayaa isugu soo baxay magaalada Newyork, iyagoo ka cabanayay go’aanka ay maxkamad ku gaartay oo ahaa inaan dacwad lagu soo oogi karin askarigii cadaanka ahaa ee dilay wiilkii madowga ahaa Eric Garner.


Ninkan Madowga ah ayaa ceeji lagu dilay, kadib markii ciidamada booliska Newyork ay qabteen, isagoo diiday inuu bixiyo Canshuur, waxaana banaan baxyada ay ku faafeen magaalooyinka Chicago, Washington, Denver, iyo Boston.

Magaalada Minneapolis ayaa dad isugu soo baxay waxay xireen wadada, iyagoo dhex seexday bartamaha wadada, waxaana ay matalayeen sida dad dhintay oo kale.

Dibad baxayaasha ayaa ku qeylinayay Cadaalad hadii aysan jirin nabad ma jirto,waxaana dadka madowga ah ay ka careysan yihiin dhacdooyinka ugu dambeeyay ee lagu dhibaateeyay, kaasoo aanay Maxkamaduhu waxba ka soo qaadin.

 

Duqa magaalada New York Bill de Blasio ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxaa uu ku sheegay in loo baahan yahay in wax laga badalo xiriirka booliska iyo dadweynaha u dhaxeeya, sidoo kalena in nolosha dadka madowga ah loo qiimeeyo sida tan dadka cadaanka ah.

Maalintii Arbacada ahayd booliska magaalada New York waxay xireen dad gaaraya 83 qof oo mudaaharaadayay.Bishii Agosto ayay aheyd markii magaalada Ferguson ee Gobolka Missouri uu sarkaal boolis ah uu toogasho ku dilay wiil madow ahaa, iyadoo ay dilkaas wixii ka dambeeyay uu ka dhashay banaan baxyo rabshado watay, isku dhacyo dhex marayBooliska iyo dadka madowga ah ku dilay.





Contact@afkashacabka.com