Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Maanta Furay Madarasad Loogu Tala Galay Caruurta Agoomaha +Sawiro

0
Friday December 05, 2014 - 23:58:02 in by salman abdi
  • Visits: 2159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Maanta Furay Madarasad Loogu Tala Galay Caruurta Agoomaha +Sawiro

    wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta furay xarunta caruurta agoonta iyo masaakiinta lagu barayo xifdiga quraanka kariimka iyo culuumta diinta islaamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta furay xarunta caruurta agoonta iyo masaakiinta lagu barayo xifdiga quraanka kariimka iyo culuumta diinta islaamka.

wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta furay xarunta caruurta agoonta iyo masaakiinta lagu barayo xifdiga quraanka kariimka iyo culuumta diinta islaamka.

Madarisadan oo loogu tala galay in culuumta diinta islaamka lagu baro caruurta agoonta ah iyo caruurta masaakiinta ah ayaa waxa gacanta ku haya markiska Asma Bintu Abii Bakar oo qayb ka ah jamciyada Nasiixa Al nisaa’iya.

Kulanka lagu furayey madarisadan ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland, xubno ka tirsan jamciyada Mu’asasatul Karam, xubno ka tirsan markiska Asma Bintu Abii Bakar, haween badan oo gacan ka gaysatay sidii loo hir galin lahaa dhismaha madarasadaasi iyo marti sharaf kale.

 

Ugu horayna waxa ka hadlay furitaanka madarisadan sheekh Maxamed Xuseen Cali oo ka tirsan jamciyada mu’asasatul Karam waxaanu u mahad celiyey cid kasta oo gacan ka gaysatay hir gelinta madarisadan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Waxaan marka hore u mahad celinayaa markiska Asma Bintu Abii Bakar, qaybta ay dalada ka yihiin ee Jamciyatu Nasiixa Nisaa’iya, waxaan uga mahad celinayaa dedaalkii ay u soo galeen barnaamijkan agoomaha iyo inuu hir galo dhismahani,waxyaalaha uu ilaahay umadeena ku sharfay ee uu umadaha kale kaga duway waxa ka mid ah waa umad isku tiirsan oo is taageera isna gacan qabta, agoonka iyo arintiisana nabiga ayaa tilmaamay, ilaahayna kitaabkiisa shariifka ayuu kaga waramay, waxaanu nabigu inoo sheegay in qofka agoon kafaala qaada ee wax tara inay janada iskugu dhaw yihiin.”

Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isaguna ka hadlay kulankan ayaa waxa uu aad u soo dhaweeyey dedaalka ay ku jiraan xubnaha markiska Asma Bintu Abii Bakar, waxaanu ka hadlay dedaalka ay ugu jiraan caruurta agoonta ah iyo caruurta masaakiinta ah waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Agoonta wax badan ayaa la taraa caalamka islaamka, waa ilaaliyaa waana la dhawrayaa iyada oo la tix gelinayo dardaaranka rasuulka iyo quraanka ilaahay ku sheegay sidaas darteed hablaha isku xilqaamay ee u dadaalay in caruurta agoonta ah ay ka fikiraan waxbarashadooda diiniga ah iyo quudintooda haday suura gal tahay waan u mahad celinaynaa waxaanan leeyahay xilka aad qaadeen ilaahay haydinka abaaliyo, qayb weyn oo qiimo badan oo bulshadeena ka mid ah ayaad haysaan xilka aad qaadeena ilaahay haydinku dhawro.”

Sidoo kale wasiirka diintu waxa uu sheegay inay xukuumada hor yaalaan hawlo badan oo la xidhiidha wax u qabashada caruurta agoonta iyo masaakiinta waxaanu mar kale yidhi "Xukuumadana xil badan ayaa saaray, agoomo badan ayaana lagu hayaa meelo kala duwan, agoontuna way inaga fara badan tahay maadaama oo bulshadeena ay soo mareen dhibaatooyin dagaalo ah, dhibaatooyin dhaqaale xumo ahi jiraan, cudurada oo aan inagu yarayn, arimahaas oo dhamina waxay keenayaan inay agoon badan inagu soo baxsato hadii loo fikiri waayo oo sida markiska Asma Bintu Abii Bakar dedaalka ay dadaalayaan la samaynina waxa suurta gal ah marka danbe inaynu noqono umad isku cadaw ah.”

Sidoo kale waxa furitaanka madarisadan ka hadashay Sucaad Cabdiraxmaan Cabdale oo ah gudoomiyaha markiska Asma Bintu Abii Bakar taas oo ka warantay heerarkii kala duwanaa ee uu la soo martay hir gelinta madarisadan gaarka u ah agoonta iyo masaakiinta.

Sidoo kalana waxa dhaqaalaha ku baxay dhismaha madarisadan u gaarka ah caruurta agoonta ah iyo masaakiinta ka hadashay xoghaynta maaliyada ee Markiska Asma Bintu Abii Bakar oo ka warantay dhaqalaaha ku baxay iyo dhaqalaaha lagu leeyahay waxaanay tidhi "Lacagta ku baxday madarisadan waa $15700, dhulka waxa nalaga siiyey$2100,dhismahana waxa ku baxay$13600, waxaanay isku noqotay 15700, waxaana dayn ahaan meheraduhu noogu leeyihiin $2500, hadaan ka waramo lacagta na soo gasha bil ahaan ee aanu ugu tala galnay kharashka macalimiinta iyo markiska baahiyahiisu waa$180 taas oo aanu ka helno xubnaha markiska iyo walaalo dhawr ah, waxaana bishan iyo bishii ka horaysaba kharash ku baxay madarisada oo nalaga doonayaa waa laba macalin oo kala ah macalin maamul iyo macalimad oo kharashkoodu yahay$400iyo$50oo laydhka iyo biyaha ah, run ahaantiina waad dareemaysaa, anaga oo haysana 180 una baahan$450faraqa u dhaxeeya, waxa kale oo aad dareemi kartaan bil walba dhaqaalaha loo baahan yahay iyo ka na soo galaya inaanay is bixinayn.”

WIXII TAAKULO AH EE AAD GASHANAYSO MADARISADA LOOGU TALA GALAY CARUURTA AGOONTA IYO CARUURTA MASAAKIINTA AH WAXAAD KU SOO HAGAAJIN KARTAA IKRAAN CUMAR OO AH XOGHAYAHA MAALIYADA MARKISKA ASMA BINTU ABII BAKAR OO GACANTA KU HAYA MADARISADAN 

IKRAAN CUMAR TELL:-063-4474400

Contact@afkashacabka.com