"Falkan isqarxinta ah wuxuu ina tusayaa cadaawadda iyo naflacaariga kooxaha nolol diidka ah"Madaxweyne Xasan

0
Saturday December 06, 2014 - 10:03:49 in by Burco Office
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Falkan isqarxinta ah wuxuu ina tusayaa cadaawadda iyo naflacaariga kooxaha nolol diidka ah"Madaxweyne Xasan

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerar is-qarxin ah oo galabta lagu qaaday makhaayad ku taalla Baydhabo.


    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerar is-qarxin ah oo galabta lagu qaaday makhaayad ku taalla Baydhabo.


"Falkan isqarxinta ah ee lala bartilmaameedsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxay ina tuseeysaa cadaawadda iyo naflacaariga kooxaha nolol diidka ah oo damacoodu yahay in ay wiiqaan nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynuhu.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii iyo nafwaayay weerarka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed. "Dadka dhintay waxaan Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo dadka dhaawaca ahna uu caafimaad deg deg ah siiyo,” ayuu raaciyay Madaxweynuhu.


Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed sida ay ciidamadda ammaanka ugu wargeliyeen weerarro noocaan oo kale ah oo la damacsanaa in shacab lagu waxyeelo has yeeshee la fashiliyay. Wuxuuna ugu baaqay in ay ku sii dhiirradaan la shaqeynta ciidamadda ammaanka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ciidamadda ammaanka qeybahooda kala duwan ku amray inay sii xoojiyaan dadaalada ay uga hortagayaan ficilada noocaan oo kala ah oo ay kooxaha nolol diidku isku dayayaan inay waxyeelo ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed. 

contact@afkashacabka.com