WARBIXIN: Waa Kuwee Ciyaartoyda Hal Gaadh Oo Digniin Ah U Jira Ina Laga Ganaaxo Kulamada Champions Leaqeuga Wareegiisa 16 ka?

0
Monday December 08, 2014 - 09:03:36 in by Burco Office
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Waa Kuwee Ciyaartoyda Hal Gaadh Oo Digniin Ah U Jira Ina Laga Ganaaxo Kulamada Champions Leaqeuga Wareegiisa 16 ka?

    Iyadoo laysku diyaarinayo kulamadii ugu danbeeyay ee kala baxa Champions Leaquega isla markaana ay kooxaha qaar badani dagaal ugu jiraan inay iska xaadirinyaan wareega 16 ka kooxood halka ay qaar kale xili horeba kaadhka ay kaga qayb galyaan wareega

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo laysku diyaarinayo kulamadii ugu danbeeyay ee kala baxa Champions Leaquega isla markaana ay kooxaha qaar badani dagaal ugu jiraan inay iska xaadirinyaan wareega 16 ka kooxood halka ay qaar kale xili horeba kaadhka ay kaga qayb galyaan wareega xiga ay hore u goosteen ayaan halkan ku eegaynaa ciyaartoyda hal kaadh oo digniin ah u jirta in laga ganaaxo kulamada xiga ee Champions Leaquega.


Aan ku horaynee koxoda Massimiliano Allegri ee Juventus oo aan wali xaqiiqsan inay u soo bixi doonto wareega 16 ka ayaa ka walwalsan xidigaheeda Paul PogbaiyoStephan Lichtsteiner inay qaataan kaadhkooda labaad ee ay ku seegi karaan kulanka ugu soo horeeya wareega 16 ka haddiiba ay soo baxaan.Juventus ayaa kulan muhiim ah la ciyaari doonta kooxda Atletico Madrid oo kulankii hore ka soo guulaysatay.

Dhinca kale isla kooxda Atletico Madrid ayay halis ugu jiraan inay ganaax la kulmaaan Diego Godiniyo CristianAnsaldi halka isla group A ay kooxda Olympiakos ganaax la kulmi karaan xidigaheeda Maniatis and Alberto Botia oo hore u qaatay kaadhadh digniin ah.

Kooxdii ay guuldarada wayni ka soo gaadhay Chelsea ee Schalke ayuu macalinkeeda Roberto Di Matteo dardaran taxadar muujin ah soo siin doonaa Klaas-Jan Huntelaar iyo Kevin-Prince Boateng ku waas oo hore kaadhka digniinta ee huruuda ah loogu taagay. Isla groupkan waxaa halis ku jira Marco Hoger,Mauricio, Joao Mario, William Carvalhoiyo Filipe Luis .

Kooxda Roma oo ay hawl badani u taalo ayaa la kulmi doonta kooxda ay kaalinta labaad ku tartamayaan ee Man City, waxaana Roma ganaax la kulami kara haddii ay kaadh kale oo digniin ah qaataan Radja Nainggolaniyo Maicon.

Dhinca kooxda Man City ayay ganaax la kulami karaan haddii ay kaadhkooda labaad qaataan xidigaha kala ah Gael Clichy,Pablo Zabaleta iyo Sergio Aguero, laakiin Aguero ayay u badan tahay inuu seegi doono kulankan aadka muhiimka kooxdiisa ugu ah kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay bilawgii kulankii ay Everton guusha ka gaadhay City.

Kooxda Monaco ayay halis ku jiraan xidigaha kala ah Yannick Ferreira-Carrasco, Layvin KurzawaiyoJeremy Toulalanhalka kooxda Zenit min kaadh digniin ah la siiyay Domenico Criscito, Hulk iyo Javi Garcia .

Xidigaha kale ee ganaax la kulmi kara waxaa ka mid ah Taras Stepanenko(Shakhtar),Maicon(Porto)Nacho Monreal(Arsenal) andEmir Spahic(Bayer Leverkusen) dhamaan ciyaartoyda oo ay kooxahoodu u soo baxeen wareega xiga ayaa haddii ay kaadhkale oo digniin ah ay qaadaan la ganaaxi karaa.

Ugu danbayn xidga CSKA eeRomanEremenko,Fabio Espinho oo Ludogorets ah, iyoDerlis Gonzalez, Taulant Xhaka, Marek Suchy,Fabian Schar oo ka soo jeeda Basel ayaa hal kaadh u jira in la ganaaxo haddii ay u soo baxaan wareega 16 ka ee Champions Leaquega waxayna kulan adag la ciyaari doonaan kooxda Liverpool.

contac@afkashacabka.com