Mourinho: Chelsea Ma Ahan Koox Aan Laga Badin Karin, Laakiin Waxa Ay Ka Fiican Tahay Kooxaha Kale Oo Dhan.

0
Monday December 08, 2014 - 09:10:30 in by Burco Office
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mourinho: Chelsea Ma Ahan Koox Aan Laga Badin Karin, Laakiin Waxa Ay Ka Fiican Tahay Kooxaha Kale Oo Dhan.

    Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxdiisa laga badin karo laakiin ay weli yihiin kooxda ugu fiican wadanka Ingariiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxdiisa laga badin karo laakiin ay weli yihiin kooxda ugu fiican wadanka Ingariiska.


Chelsea ayaa guuldaradii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka dhadhamisay sabtidii ka dib markii ay guuldarro ka soo gaartay kooxda Newcastle United, waxaana uu tababare Mourinho yiri:

"Waxaan nahay kuwa horyaalka ugu sareeya, cid inaga fiican ma jirto. Cid walba ayaa jeclaan laheyd inay soo gasho booska aan haatan ku jirno. Sidaasi darteed aad ayaan u fiicanahay, waxaana ka fiicanahay cid walba

"Dadka anigoo kale ah oo kubada cagta ku dhex jiray muddo dheer waa ay aqbalayaan guuldarro sidaan oo kale ah.

"Newcastle waxa ay sameysay wax mar walba sameyn jireen. Waa ay difaacdeen. Si adag ayay u dagaalameen. Waxa ay isku dayeen inay ciyaaraan kubado rogaal celis ah mar kasta oo ay awoodeen. Waana habka ay anaga nala ciyaareen.”

contact@afkashacabka.com