Maraykanka Oo Sii Daayey Xubin Sare Oo Ka Tirsan Ururka Taalibaan Waa Maxay Sababtu?

0
Monday December 08, 2014 - 09:25:08 in by Burco Office
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Sii Daayey Xubin Sare Oo Ka Tirsan Ururka Taalibaan Waa Maxay Sababtu?

    Latif Mehsud ayaa lagu tilmaamaa in uu aad ugu dhowyahay hoggaamiyihii hore ee ururka talibaan, Hakimullah Mehsud. Ciidammada Nato ayaa waxa ay sanadkii hore ku qabteen bariga dalka Afkhanistan, oo u dhow soohdinta Pakistan, markaa wixi ka dambeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Latif Mehsud ayaa lagu tilmaamaa in uu aad ugu dhowyahay hoggaamiyihii hore ee ururka talibaan, Hakimullah Mehsud. Ciidammada Nato ayaa waxa ay sanadkii hore ku qabteen bariga dalka Afkhanistan, oo u dhow soohdinta Pakistan, markaa wixi ka dambeeyeyna ciidammada Mareykanka ayaa ku hayay saldhiga Bagram

.
Ilaa iyo hadda lama shaacin sababta loo sii daayay, balse khubarada ayaa sheegaya in tallaabadan ay tahay mid aan caadi aheyn, waxa ayna u dhowdahay in ay anisixiyeen maamulka Afghanistan.


Waxa ayna taa calaamad wanaagsan u noqon kartaa baal cusub oo u furma xidhiidhka dalalka Pakistan iyo Afghanistan, tan iyo markii uu madaxweynaha cusub, Ashraf Ghani, uu booqday magaalada Islamabad bishii la soo dhaafay.
Iyada oo ay Nato ay soo gabagabeeyneyso howlgalkii ay ka waday dalka Afghanistan, ayaa waxa muhiim ah in dalka ay dariska yihiin ay ka wada shaqeeyaan arrimaha ammaanka iyo in wadahadalo nabadeed ay la yeeshaan Talibaan.

contact@afkashacabka.com