War Deg Deg Ah Madaxweyne Obama Oo Cisbitaal Milatari La Dhigay Ka Dib Xanuun Cunaha Ka Soo Wajahay.

0
Monday December 08, 2014 - 09:28:27 in by Burco Office
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Madaxweyne Obama Oo Cisbitaal Milatari La Dhigay Ka Dib Xanuun Cunaha Ka Soo Wajahay.

    Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa la dhigay cisbitaal milatari ka dib markii uu soo wajahay xanuun dhinaca cunaha ah kaas oo dhakhaatiirtu ay ku sheegeen in ay sababtay maado asidh ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa la dhigay cisbitaal milatari ka dib markii uu soo wajahay xanuun dhinaca cunaha ah kaas oo dhakhaatiirtu ay ku sheegeen in ay sababtay maado asidh ah.


Obama oo 53 jir ah ayaa la sheegay in la mariyey baadhitaan fiber optic ah oo uu fuliyey dhakhtar takhasuskiisu yahay cunaha,sanka iyo dhegaha oo ka hawlgala magaalada Washington ee madaxweynuhu degenyahay.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu cuno xanuun ka cabanayey muddo labo todobaad ah, waxaana markii danbe la geeyey cisbitaalka Walter Reed National Military Medical Center oo ku yaala Bethesda,Maryland halkaas oo madaxweynaha lagaga qaaday shaybaadhka CAT scan.


 

Natiijada Shaybaadhkan ayey dhakhaatiirtu sheegeen in lagu ogaaday in Obama xaaladiisu caadi tahay, sida uu sheegay dhakhtarka gaarka ah ee madaxweyne Obama Dr Ronny Jackson oo ah agaasimaha Aqalka Cad ee adeega caafimaadka ayaa sheegay in baadhitaan ka dib la ogaaday in madaxweynuhu uu la xanuusanayo maado asidh ah oo jidhka gudihiisa ka timi.

"Calaamadaha ka muuqda madaxweynuhu waxay yihiin gubasho ku dhacaysa qaar ka mid ah unugyada yar yar , waxaana la siin doona dawooyinka ku haboon” sidaa waxaa sheegay Mr Jackson.

Acid reflux oo ah sababta madaxweyne Obama uu la xanuusanayo ayaa timaada ka dib marka qaar ka mid ah murqaha hunguriga hoose ee dhuunta aaney si wanaagsan u xidhmin, taas oo sababta in waxyaabaha caloosha ku jira ay kor ugu soo noqdaan hunguriga. Tani waxa ay inta badan sababtaa gubasho wadnaha ku timaada oo inta badan halis ah.

War saxaafadeed uu soo saaray Mr Jackson ayuu ku sheegay in shaybaadh fiber optic ah oo lagaga qaaday madaxweynaha gudaha Aqalka Cad lagu arkay barar ku yimi tissue yar oo ku yaala xaga danbe ee dhuuntiisa.

contact@afkashacabka.com